Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Sucuudiga Ku Taageertay Go’aankii Iran
Hargaysa 11.Jan 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa cambaaraysay falkii lagu gubay safaaradda Sucuudiga ee dalka Iiraan,kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay labada dal ee Sucuudiga iyo Iiraan.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in Somaliland ka soo horjeedo khilaafka dawlada Iiraan ka waddo gobolka .
“Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas” Axmed Siilaanyo.
Madaxwaynaha Somalialnd waxa uu sheegay in Somaliland taageersatahay go’aanka Jaamacada carabtu ka qaadatay Dalka Iiran.
“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan” Axmed Siilaanyo.
Dalka Iran ayaa waxa hore xidhiidhkii diblomaasiyaded ugu jaray dalal badan kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay dalka Sucuudiga.