|

Xukuumadda Somaliland oo cayintay saacaddaha maalintii la isticmaali karo gaadiidka Dawladda, baaqna u dirtay dadka guryaha dawladda degen

Hargeysa 12, June 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda xisbiga Kulmiye ee haysa talada Somaliland, ayaa markii u horeysay mamnuucday in gaadiidka dawladda la adeegsado xilli aanu jirin shaqooyin lagu qabanayo oo la ogyahay.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya 3:00 galabnimo aan la adeegsan karin baabuurta dawladda ee sita astaanka bileedhka GT-ga, lana xayiray in xilligaa ka dib suuqyada lagu arko.

Waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo ay ciidanka nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikadu ay qabtaan baabuurta GT-ga ee la wato xilli-maalmeedka 3:00 galabnimo wixii loo gaadho, maadaama in badan oo ka mid ah si aan haboonayn loo adeegsado.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in keliya loo ogolyahay in wixii xilligaas ka dambeeya la adeegsado, baabuur warqad ogolaansho oo hawsha uu u socda ka haysta hay’adda dawladeed ee uu u shaqaynayo, wuxuuna balanqaaday in wasaarad ahaan ay dayactir ku samayn doonaan baabuurta dawladda oo tiro badan oo ka mid ahi fadhiyaan.

Dhinaca kale,  wasiir Xaabsade waxa uu baaq u diray dadka ku jira guryaha dawladdu leedahay, kuwaasoo uu u soo jeediyay inay iska bixiyaan kirada guryaha dawladda ee ay ku jiraan.

Waxa uu sheegay in dadweynaha guryaha dawladda ku jira looga baahan yahay inay muddo todobaad ah ku bixiyaan kirooyinka laga doonayo oo laga soo bilaabayo bishii January ee 2011 ilaa hadda, haddii kalena ay dawladdu talaabo ka qaadi doonto.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed