Xukuumadda Somaliland oo caddaysay inay joojisay wada-hadalkii ay la bilawday dawladda Soomaaliya, maxay tahay sababtu?
Hargeysa 27, July 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa caddaysay inay hakisay wada-hadalkii ay dhowaan la bilawday dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Khaarajiga Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu ka hadlay sababta ay xukuumaddu u hakisay wada-hadalkii Soomaaliya oo ay labada dhinac laba kulan oo toos ah isku horfadhiisteen. “Wada-hadaladii aanu dhawaan u furmay Somaliland iyo Soomaaliya anagu waan soo dhawaynaynaa. Sida la ogyahay Soomaaliya waxa ka bilaabmay tartan dhanka siyaasada ah,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu sheegay inay sidaa darteed u qaateen go’aanka hakinta wajiga saddexaad oo aan la shaacinin qorshihii loo dejiyay, taas bedelkeedana waxa uu ku dooday inay wada-xaajoodkii la sii amba-qaadi doonaan xukuumadda laga filayo inay bisha August ka dhalato Soomaaliya, taasoo aan ku dhisnayn nidaamkii kumeel-gaadhnimada. “Maamulka cusub ee la filayo ayaanu halkaa wada hadalada ka wadi doonaa. Maamulka Kumeel-gaadhka ah ee aanu wada-hadalada u furnay raali baanu ku ahayn, laakiin imik isbedel baa jira,” ayuu raaciyay.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com