Xukuumadda Somaliland oo Cadaysay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay ka Qabsoomi doonto Lix Goobood oo Muran adagi ka Taagnaa DAAWO
Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):-Xukuummadda Somaliland, ayaa caddeysay in diwaangalinta codbixiyayaasha laga bilaabayo lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah, kuwaasi oo tan iyo wakhtigii Cod-bixintu ka bilaabantay Somaliland muran ka taagnaa.
Wasiirka Arrimaha Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa Wareegto uu Soo Saaray ku Shaaciyey in Hawlgalka Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay Ka Qabsoomi doonto Deegaanada Guban iyo Ceel Sheekh.