|

Xukuumadda Somaliland oo Afkeeda kala Masuugtay inay Tacsi Gaadhsiiso Qoyskii Ciidamadda RRU Dhimashada iyo Dhaawaca u Geysteen, Dareen Mudaharaad oo ka dhashay DAAWO

Hargaysa 10.Aug 2015 (SDN/QJ)- Dhaawacii Shalay fiidkii ku dhaawacmay rasaas boolisku ku riday dad difaacanayay gurigooda iyo Kalkaaliso caafimaad ayaa ka hadlay siday wax u dhaceen iyo xaaladda dhaawaca hadda. dadka ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo Ilma geeriyoodayna qolka Maydka yaalo.

Shaqaaqadii shalay dhacay ayaa sababay dhimashada wiil da yar iyo dhaawaca shan qof, arrintaasi oo dhacday kadib markii qoys guri dhisanaya dawladda hoose amartay in la joojiyay markii dambena boolis goobta la geeyay iyo qoskii isku dhaceen.

Mustafe Axmed Maxamed oo ku dhaawacmay Rasaasta Boolisku ku furay dadka aan hubaysneyn ee shacabka ah ayaa sidan u sharaxay siday wax u dhaceen “Anagoo dhisayna gurigayaga oo aanu 24 sannadood deganayn ayay Boolisku noo yimaadeen 04:00 galabnimo, dabeed joojiya ayay yidhaahdeen shaqaaluhuna wuu rawaxay oo waa la joojiyay, kadib Aabbo ayaa loo yimid Faylkaagii keen baa la yidhi Saldhiga ayaaba la geeyay oo waa la xidhay.

Intaas kadib waxaa nalagu yidhi waxa soo socda ciidan Guriga baabi-inaya kadib guriga ayaanu ag fadhiisanay ilaa 15 Mirir kadib ayay laba xaajiyadood oo Boolis ahi noo yimaadeen markaanu ku soo dhaqaaqnayna rasaas ay hoos u ridayaan ayay nagu fureen” ayuu yidhi Mustafe.

Mr. Musfate oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay khasaaraha ka dhashay rasaasta “Waxaa dhaawacmay Afar qof iyo walaalkay oo dhintay, oo toos loo toogtay, anigaba Askariga oo hal mitir wax ka yar ii jira ayaa wac igaga siiyay xabbadda waan ka gabbaday oo waan is tuuray kadib waan cararay oo waxaaban arkay iyadoo xabbadu igu taala. Waxay igaga dhacday Lugta halka Jilibka hoostiisa oo aan ka jabanahay”.

Dalka Dadkaasi MaamulayaanWasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo Warfidiyeenka kula hadlay Xaruntiisa ayaan afkiisa soo Marin Tiiraanyada Qoyskaas la soo deristay oo Waajib ay tahay inay ka tacsiyeeyaan, Waxaanu taas badalkeeda ku Mashquulay Bilicda Goobta uu Warbaahinta kula hadlayay

Comments are closed