Xukuumadda Somaliland Dalacsiisay Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Booliiska iyo Asluubta
Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalacsiisay askar iyo saraakiil ka tirsan labada ciidan ee Asluubta iyo Booliiska, kuwaas oo in muddo ah sugayey isla markaana ay arrintoodu hortaalay guddida darajooyinka oo in muddo ah gacanta ku haysay.
Dalacsiinta ciidamadda Somaliland ayaa ah arrin niyadsami ku abuuraysa Ciidamadda Somaliland oo markii ugu horaysay ay Xukuumadda talada haysaa afar iyo labaatan sano kadib suurtogalisay inay ciidamaddu yeeshaan kala sarayn iyo sumad lagu kala garto.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa talaabadan qaaday kadib markii uu kaga dhabeeyey balanqaadkiisii xiligii uu ahaa mucaaradka oo ahayd in uu darajo siin doono ciidamadda qaranka.
Talaabadan Xukuumaddu qaaday ayay dad badani isweydiin jireen kadib markii cabashooyin ka soo baxeen qaabkii loo qaybiyey bilowgii, waxaanay noqonaysaa talaabo hore loo qaaday oo meesha ka saaraysa dacaayado la fidin jiray oo ahaa in aanay mar danbe xukuumadda Somaliland fulin doonin in ay sii wado qorshaha lagu saxayo ama lagu sii wadayo in ciidamadda dalacsiin iyo casilaad lagu samayn karo.
Ciidmadda qaranka Somaliland oo ka mid ah ciidamadda cadawga dibeda ka difaaca dalka ayaa iyana la filayaa in lagu abaal marayo dariiqan oo kale oo loo qaybiyo darajooyinka dalacsiinta, maadaama ay yihiin xooga ugu muhiimsan ee suga qaranimada Somaliland.