|

Xukuumadda Siilaanyo Oo Xeelado Xidid-ku-macaash ah Ka Hirgelisay Ilihii Dhaqaalaha ee Dalka Iyo Xogo Laga Helay Xiisadda Dekedda Berbera

Hargeysa:Mar,20,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalka ka hirgelisay Xeelado ay ku taajiraan shakhsiyaad gaar ah oo intooda badani xidhiidho ehelnimo iyo qaar saaxiibtinimoba la leyihiin Qoyska Madaxtooyada, waxana haatan soo baxaya siro hore u qarsoomaa oo dildillaacay.

xidiiXiisad haatan ka aloosan Dekedda Berbera, ayaa kor u qaadday Sawaxanka iyo sanqadha dadka danyarta ah ee lagu tumanayo, waxana haatan la ogaaday xeeladaha ka dambeeya iyo cidda iska leh lacagaha laga qaadayo Gaadiidka Dekedda Berbera kasoo degaya oo lagu soo rogay lacago hor leh.

Gaadhiga Grande- loo yaqaano waxa laga qaadayaa $50 Dollar. Noocyada Seerafta iyo Landcruiser-ada waxa laga qaadayaa  $80, halka Waraadka iyo wixii ka sareeya laga qaadayo Lacag caddadkeedu ka bilaabmayo $120 ilaa $200 oo Dollar.

Dhanka kale, Wax Baabuur ah lagama soo saarin gudaha Dekedda sidii arrintani u soo baxday, balse wararkii u dambeeyay ee ku saabsan Xiisada ka dhalatay Lacagta ay Shirkaddani ku soo rogtay Gaadiidka Dekedda, ayaa sheegaya inay qaar kamida Ganacsatada Macdaarada ku leh Hargeysa, ay shalay dekedda kala soo baxeen Gawaadhi ka taallay halkaasi, iyagoo bixiyey sida la sheegay lacagta ay diiddeen Gaadiidleyda kale.

Ganacsadayaasha Garas Motors iyo Mid kale oo aan magaciisa la xaqiijiin, ayaa gawaadhi aan sidaas u badnayn oo dekedda ka taallay lasoo baxay, iyadoo qorshahaasina ahaa mid lagu dhantaalayey heshiiska ay hore gaadiidlaydu u gaadheen ah  inaan cidina gaadiidkeeda lasoo bixin inta lacagtani taagan tahay.

Labada Ganacsade ee ku badhi-furtay go’aanka Gaadiidleydu ku diidday bixinta lacagtaas, ayaa waxa la sheegay inay xukuumaddu abaabushay, si ay ugu shiiqiso cabashada ka soo yeedhay  kuwa kale ee diiday inay bixiyaan Mushqaayada tibaabinta Gaadiidka. Waxa kale oo warku intaas ku daray inay dawladdu lacagta u dhiibtay labadan Ganacsatade oo ay ka dalbatay inay  Baabuurta kagala soo baaxaan, iyadoo uga gol leh  inay ku docwareento cabashada xooggan ee lagaga mudaharaaday bixinta Lacagta Hubinta Gaadiidka. Sida ay xoggaha qaar tilmaamayaan labada Ganacsade ee dawladdu u isticmaashay burinta Qaraarkii Mulkileyaasha Macdaaraddu ku diidan lacagtaa, ayaa ah kuwo ganac-saar dhow leh Wasiirrada iyo xubnaha kale ee  ku jira Shirkadda, isla markaana waxa lagu xushay qaab qabiilaysan si aanay qorshaha loo adeegsaday u fashilin.

Yaa  leh shirkada lacagta la siinayo?

Sida ay caddeeyeen xoggo ka soo baxay Baadhitaan warbaahinta qaar  ku samaysay cidda iska leh Shirkaddan, Wiilka Qoyska Madaxweynaha la xididka ah ee Baashe Cumar Moorgan, ayaa qaybta ugu weyn ee shirkaddan iska leh. Waxa kale oo Saamiyo  ku leh Shirkadda Nin u dhashay dalka Hindiya oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Khan iyo Wasiirka Wasaarada howllaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isagu doorkiisa labaad ee Lahaanshiyaha Shirkaddu ka muuqdo qaabka Ogolaanshiyaha uu ku siiyey.

Wali Baadhistu may kala caddeyn xadiga Saamiga ay  kala leeyihiin saddexda dhinac , laakiinse waxay xogta baadhistu hoosta ka xariiqday inay talaabadani tahay mid Dhaqaalle badan lagagala soo baxayo laba dhagax dhexdood, iyadoo lagu dhiig-miiranayo Baayac Mushtarka waddanka.

Ma ah dekedda oo kaliya meelaha Wiilkan Madaxtooyada la xididka ah loo xidhay, balse waxa jira Kumanaan Ilo-dhaqaaleed oo si gaar ah loogu xidhay, waxana ugu waaweyn Goobaha aanay cidi kaga daba hadlin Qandaraasyada Macdanaha iyo shidaallada waddanka lagaga baadhayo oo uu kaligii dusha saartay, isagoo adeegsanaya Awoodda Madaxweynaha Qaranka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed