|

Xukuumadda Siilaanyo oo ka hadashay Sababta ay Garabyada UCID Mid u Taageertay midna uga eexatay DAAWO

Hargaysa 09. November 2016  (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta ay labadii Garab ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u qaybsanaa mid ka mid ah ay ugu oggolaatay inuu qabsado Shirweyne aan caadi ahayn, ka kalena iska hor-taagto inuu qabsado shirkaas oo ay labadooduba doraad muddeeyeen.

14962571_681133658726073_7111404636267872407_nWasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon) oo Habeen Hore  Garabka uu hoggaamiyo Musharrixii jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen u qoray Warqad uu ku amrayo inaanay qabsan karin Shirka ay ku baaqeen inay Shalay ku qabtaan Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiir Faratoon, waxa uu Maamulka Huteelka ku amray inaan Shirkaas Garabka Jamaal lagu qaban karin Huteelkooda, sidaas oo ay Xukuumaddu isku hor-taagtay qabsoomiddii shirka Garabka Jamaal ku qabsan lahaayeen Maansoor, halka uu Garabka Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe hoggaamiyana u oggolaaday inay qabsadaan shirkoodaas.

Haddaba, Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin-Faratoon, ayaa la weydiiyey sababta uu labada Garab midna ugu oggolaaday shirka midna ugu diiday, maaddaama oo ay Guddiga diiwaangelintu toddobaadkii hore amartay inaanay labada Garab midna qabsan karin shirarka ay ku kala baaqeen oo ay sharci-darro yihiin, sidaas awgeedna qabsan karaan shirweynaha aan caadiga ahayn ee labada Garab Maxkamadda sare ku amartay inay wada-qabtaan.

Wasiir Faratoon qaabka uu uga hadlay oggolaanshaha iyo diidmada Shirarka UCID ee ay midna taageereen Xukuumad ahaan midna joojiyeen qabashadiisa iyo jawaabaha uu ka bixiyey su’aalo arrimahaas laga weydiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkiisa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed