|

Xukuumadda Siilaanyo Intanba Sawmay Samayn? W/Q: Maxamed Cabdillaahi Biixi

dr.king biixi yareJune 2010 xukuumadda uu gadhwadeenka uyahay madxweyne siilaanyo waxay ahayd mid dadweynaha jamhuuriyadda Somaliland si balaadhan oo baaxad leh usoo dhaweeyeen uguna riyaqeen. waxaad ka dheehan karaysay wajiyadda muwadiiniinta reer somalialnd meelkasta oo ay dunida ka joogaan farxad iyo rayrayn aad u baaldhan oo qarisay shucuurtooda, taasi oo damaadshaadyadii iyo rayrayntii ka dhacaysay magaalooyinka dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku yaala aad moodaysay sidiiyo ummad weynaha reer Somaliland loo soo sheegay ku dhawaaqitsa ictiraafkay muddada dheer u oomanaayeen.

Haddaba , damaashaadyadaa aan loo kal hadhin ee lagu soo dhaweeyay guushii uu doorashadda ka gaadhay xisbiga kulmiye ee uu hogaminaayay madaxweyne siilaanyo ayaa lagu micneeyay dhawr sababood:

Rabitaanka ay dadku rabeen inay arkaan isbadal siyaasadeed ,kadib markii muddo ku dhaw 8 sanadood dadweynaha Somaliland aanay arag waji madaxweyne cusub oo aan ka hayn daahir riyaale oo dalka muddadaas xukumaayay.
Dadweynaha jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan dhalinyarta iyo aqoonyahanka oo u arkaayay siilanyo inuu yahay nin aqoon leh oo siyasada caalamka iyo ta gobolkaba wax kala socda.

Intaasi ka dib, islamarkiiba waxaa madaxweyne siilaanyo loo dhaariyey xilka madaxtinimo ee jamhuuriyadda Somaliland. halkaasi oo uu kitaab guudkii kumaray inuu dalka, diinta iyo dadkaba daacad unoqonaayo. Muddo yar kadibna waxa uu la wareegay xafiiska madaxweyne nimo ee dalka halkaasi oo madxweynihii muddadiisu dhamaatay ee daahir Riyaale kaahin ku wareejiyay xilkii ummaddu u igmatay isaga oo kula dardaarmay inuu madaxweynaha kaga tagay “dal iyo dad iswata oo isku duuban oo is ogol”.

Islamarkii uu xafiiska la wareegayba siilaanyo waxa uu ku dhawaaqay soo dhisida golaha wasiirada, oo uu ku macneeyay inuu soo dhisi doono gole wasiireed kooban oo macno baladhan xambaarsan.
Hase yeeshee sidii looga bartay madaxda afrikaanka ah ee xukunka kumamay ayaa waxa uu isla markiiba golihii wasiiradda ee la filaayay isku rogay qaar qaab beeleed lagu soo xullo oo waliba ka liita tayadii iyo tiradii madaxweynaha looga fadhiyay,.

waxa la magacaabay wasiiro badan oo qaab beeleed ku imid, waxa la shaaciyey wasiiro aan xataa aqooneed wasaradeed lahayn oo qaab beeleed ku shaqaynaya; waxa intaasi sii dheerayd mansabyo iyo xilal aan dastuuriyan aan dastuurka Somaliland ku jirin oo xukuumadda siilaanyo soo kordhisay si ay ummada somaliland ugu sii ababiso dhaqannada beelaysan ee ay adeegsadaan hogaamiyayaasha kaligi talisnimada iyo siyaasadda qaybi oo xukunka kusoo ababay.

Xilalkaasi kala duwan ee xukuumaddu la kowsatay ayaa ahaa qaar badankooga lagaga dhaqmo wadamada shuuciyadda adeegsadda waxaana kamid ahaa wax loogu yeedhi jiray chief of cabinet oo isla Somaliland gudaheeda uu siilaanyo ka hirgaliyay.

Wasiiru dawlayaal badan sida: wasiiru dawlaha arrimaha goboladda berriga( waxa kale oo jiray la taliyaha madaxweynaha ee arrimah berriga),hay’ado madaxbanaan oo ilaa hadda oo ay jiraan aan lahayn nidaam shaqo oo qeexan(hayada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuq,hayada ilaalinta tayada badeecadaha), xafiiska samofalka (kaasi oo shaqo ahaan hoos tagi kara wasaarada dibudajinta) , xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo madaxtooyadda iyo qaar kale oo badan.

Dhanka kale, xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne siilaanyo ee loo igmaday ilaalinta iyo dhawritaanka xuduudaha jamhuuriyadda Somaliland waxa ay islamarkiiba ku kacday in dhulal badan oo xukuumadii ka horaysay ay gaadhay dib looga qabsado oo ay ciidamo badan oo qaranka ahi ku nafwaayeen, kadib awaamiirtii is khilafsanayd ee kasoo baxaayay madxtooyada iyo taliyaha ciidanka qaranka jamhuuriyadda oo amray in dib u gurasho sameeyaan ciidanku, halka ay markii dambenna xukumadu ku talaabsatay in dhulweyne iyo dadweyne jamhuuriyadda somaliland ka tirsan ay ku muquuniso xoog oo lagu xasuuqo maati iyo waayeel udhashay gobolladaas maamul xumadda ciidamadu ku galeen.

Dhanka kale, waxa inta taariikhda Somaliland la ogyahay markii ugu horaysay kasoo gudbay xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo badweynta cas ee gacanka cadmeed ciidamo xoogan oo ku wajahan dhulweynaha ethopia iyaga oo dhexmaraaya dhulweynaha Somaliland, kuwaasi oo markii dambe lagu sheegay inay ahaayeen jabhadda dagaalka kula jirta maamulka dawlad deegaanka somalida ethopia.

Sidoo kale waxa muddo yar guddaheed xukuumadda siilaanyo ku talaabsatay iska horkeenida shacbiweynaha ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka kuwaasi oo muran ganacsi oo xoogani ku dhex maray cidii maalgashan lahayd warshadda sibidhka ee berbera taasi oo xukuumaddu garab dheemaal lulaayay la safanayd.

Dhanka kale, waxa taariikhda markii ugu horaysay xukuumadda siilaanyo oo markay mucaridka ahyd u ololayn jirtay dimuquraadiyaddu ku talaabsatay cabudhinta taageero weynihii urursiyaasadeedkii hadhay ee xaqsoor kuwaasi oo ay kala hortimid xabado nool nool oo ay dad badani ku dhaawacmeen qaarna ku dhinteen.(dacwada kiiskaasi waxa laga furay maxkamad ku taala dalka uk).

Haddaba , dhanka kale markaynu ka eegno xidhiidhka ka ganacsi ee ka dhexeeya somaliland iyo dawladda ethopia ayaa taariikhda markii ugu horaysay xurguf ganacsi dhexmartay ganacsatada private ka ah ee ethopai iyo xukuumadda somaliland, kadib markii lagu war galiyay ganacsatadaas inay bixiyaan cashuur ka badan inta lagaga qaado dekedaha boosaaso iyo Djibouti..

intaasi kadib intii talada dalka ay haysay xukuumadda uu siilaanyo gadhwadeenka u yahay waxaa dhacday in xidhiidhada diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo duwal weynaha carabtu noqdo mid Somaliland lagu soo dhaweeyo iyaga oo ku hoos jirra calanka buluuga ah ee somalia( mid kamida waxyaabahay xukuumadii riyale ceebta u arki jirtay).

Dhanka kale, waxa dhacday in xidhiidhka siyaasadeed ee u dhaxeeya dawlad deeganka somalida ethopia iyo Somaliland uu hoos udhacay taasi ood ka dheehan karto qaabkii loo soo dhaweeyay madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland intii lagu guddo jiray xuska qoomiyadaha ethopia oo loo soo dhaweeyay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland si la meeqam ah maamul goboleedyadda puntland,jubaland, ximin iyo xeeb.

Dhanka waxbarashada waxaa dhacday in wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sarre ee jamhuuriyadda somaliland kusoo qaadato deeqaha waxbarsho ee adduunweynuhu bixiyo magaca Somalia, taasi oo ay ugu dambaysay deeqihii waxbarsho ee la bixiyay oo sababay in inamadeenii iyo hablaheenii xaqa u lahaa in dalkooga waxkasta xukuumaddu ugu keento; in loo qaado xamar si ay passportka Somaliya iyo magaca Somaliya ugu dhoofaan( finalkii waxay sababtay in ardaydaasi xaqoogii ay dhacaan maamulka Somalia oo iyag oo faro madhani ay hargeysa kusoo laabtaan).

Sidoo kale waxaa dhacday intii talada dalka ay haysay xukuumadda siilaanyo in nidaamkii dimuquraadiyadeed ee siilaanyo ku hadaaqi jiray markuu mucaaridka ahaa ee uu kaga bajin jiray xukuumadii wagaasi jirtay uu hadda noqdo wax xukuumaddu u aragto bahal iyada cunaayaa, waxaana tusaale fiican kuugu filan tiroba dhawrkii jeer ee hogaanka sarre ee xisbiga ucid loo diiday inuu la kulmo taageerayaashiisa kala duwan ee ku dhaqan goboladda togdheer iyo gebiley oo xukuumadu ciidamo hor dhigatay si aanay magaalooyinkaas u galin…..(gabal baas baa udumay dimuquraadiyaddii siilaanyo kursiga ku raadinayay.
ma isagiibaba dib ucunaayaa?)

Dhanka kale, waxa ay xukuumaddii siilaanyo noqotay da’yarteed cunna, xukuumaddii laga filaayay kobcinta illaha dhaqaale iyo waxbarsho ee da’yartu waxa ay u guntatay sidii ay u dabar goyn lahayd hay’adaha waxbarasho ee dalka ka jira ? waxaana tusaale fiican kuugu filan sidii aanay uga hadal lacagtii lagu kordhiyay waxbarshadda jaamacadda hargeysa oo kamida jamacadaha qaranka ee danyartu dhigato. Taasi oo markii dhallinyartii ka mudaharaadeenna ciidamada aragagixisada loo tobabaray ay kala hor imaadeen xabado nool nool oo ardayda loo adeegsaday.

Tani waxay keentay in qaar badan la jidh dillo, qaar bandanna xabsiyadda loo taxaabo.( aaway dhalintii ?badahay ku maqanyihiin)

Intaasi waxaa ka daran waxa ilaa hadda dadweynaha jamhuuriyaddu ka warhaynin oo u dhagtaagayaan halkay ku dambeeyeen mashaariic farabadan oo adduunweynuhu ugu deeqay Somaliland.(150,000,000 $ oo duwal weynaha kuweyt ugu deeqday dayactirka iyo dibudhiska garoomadda diyaaradaha ee dalka) shalay buu ahaa garoonka hargeysa kay xaaladiisa ka dayrinaysay ethopian airline.
Isla intan oo kaliyaata maaha ee waxaa oon sawmal haad iyo saxariir u dhimanayaa shacabwaynihii caasimadda ku noolaa oo biuo yaraan ba’ani soo foodsaartay.
Hadda dib u xasuuso waxyaalaha ay ballanka ku qaaday xukuumadda siilaanyona waxaa ugu horeeyay mashruuca balaadhinta biyaha caasimadda se ilaa hadda oo shantii sanno dhamaadeen wax muuqda biyahaasi kama soo kordhin aan ka ahayn in ay kaba sii dartay xaaladdu.

Waxyaabaha sidoo kale layaabka ku noqday ummaddii u codaysay xisbiga kulmiye iyo shacbiweynahaba ayaa waxaa kamid ahaa: wareejintii ay xukuumaddu ku wareejisay ganacsadde gaar ah wakaaladda korontada qaranka taasi oo u shaqayn jirtay inta badan danyarta aan awoodin laydhadhka qaaliga ah ee gaarka loo leeyahay( yaa u danaynaya danyartii immikuu laydhku cirka tagiye? mugdi soo kordhy dheh!!).

Dhanka kale waxaa dacwaddo ka dhan ah hanti lunsi iyo si xun umaamulid heshiisyo caalami ahaa ku socdaan wasiiradda xukuumada siilaanyo sida wasiirka macdanta iyo biyaha oo dacwaddo kaga socdaan wadamada Europe iyo Kenya.

Waxakale oo xukuumadda lagu xamanayaa sidii foosha xumayd ee wasaaradda macdanta iyo biyuhu umaamushay 13ceel iyo 125 baraagood oo aan si cadaalada waafaqsanayn loogu qaybiyey bulshadii kunoolayd goboladaas.(maxay gobolo biyo la’aan udhimanayaan, aaway cadaaladi).

Arrimaha aadka iyo aadka ay ula yaabtay bulshaweynta caalamka iyo dadyawga reer somalilandba waxaa kamid ah qaabka ay isku shaandhaynta xukuumadda siilaanyo udhacdo,, oo dhigaysa inaan xubnaha qaar xataa isku shaandhaynta madaxweynuhu qaban Karin!!!!!!!

Haddaba, xukuumadda uu hogaaminayo siilaanyo oo markay mucaaridka ahaan jirtay taageeradda ugu balaadhan ka heli jirtay saxaafadda ayaa noqotay awrkii heeryadii cunay kadib markii ay jidh dil,dhac iyo xadhigba kula kacday suxufiyiin badan oo la soo halgamay xukuumadani muddadii ay mucaaradka ahyd waxaaana ugu dambaysay albaab ulaabistii xukuumaddu kula kacday wargeysyadda hubaal,haatuf iyo waaheen. Sidoo kale waxa xukuumaddu tiroba dhawr ku fashilantay muwaadiniin ay xidhay oo ay maxkamadda horkeentay inay soo gudbiso gal dacwadeedkii ay ku haysatay kuwaasi oo ay ugu dambeeyeen guddoomiyihii iyo tafafirihii wargeyska caanka ah ee haatuf.

Dhanka kale intii ay xukuumaddani jirtay , waxaa dhacday in tiroba kudhawaad in 10neeyo dambiilayaal argagixiso ah oo ku xidhnaa jeelasha mandheera iyo hargeysa ay baxsadaan taasii oo sababta baxsashadoodana loo aanaynayo xukuumadda, waxaana ugu dambaysay isku daygii baxsi ee kadhacay jeelka weyn ee hargeysa oo uuku dhaawacmay askari kamid ah ciidamadda ilaalada jeelkaweyn ee hargeysa( maxaa ciidamadu moogani udhimanysaa).
Waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee taariikhda somaliland soo mara waxaa kamid ahaa dhacdadii foosha xumayd ee qasriga madaxtooyadda ka dhacday 18may markii uu madaxweyanaha qaranku calankii jamhuuriyadda s/land ka gudoomay odayaal dhaqameed kasoo kicitimay xamar.( oo dalku maanu calanka lahayn odaaysha ka hor? lamana hayo madaxweyne qaran oo calnkiisa cidkale marti uga noqda.)

Waxyaabihii ugu weynaa ee xukuumadu ku kacday mudadii ay jirtay waxa ssidoo kale kamid ahaa afgamabigii siyaasadeed ee xukuumaddu ku rabtay in kursiga guddomiyenimadda baarlamanka lagaga tuuro guddoomiyaha baarlamanka ahna guddoomiyaha xisbiga wadani MR.ERRO, kaasi oo ay xukuumaddu uga danlahayd sidii uu dalka khilaaf siyaasiya oo kala dira golaha baarlamanku u dhici lahaa hase yeeshee feejignaanta shacabka iyo xubnaha somalilanderska dhabta ah ee wakiilada awgeed afgambigaasi waa fashilmay.
Isla intanuun maaha ee waxaa markii ugu horaysay xukuumadda somaliland ka jirta ee siilaanyo gadhwadeenka u yahay ay dafirtay war-sireed kasoo baxay mid ka mid ah baraha qaadaa dhiga siraha qarsoon ee dawladduhu ku heshiiyaan waa wikiliikis ee, kaasi oo sheegay in ” dawladda somaliland heshiis oa saxeexatay midaw ah dawladda federaalka”. May dhicin horena looma arag waddan beeniya war kasoo baxa bartaasi. Illaa hadda waxay su’aali dul taagan tahay rajadda mustaqbal ee dalkani, maadaama oo madaxdiisii qaabkani wax u wadaan.

Intaasi kuma joogine xukumadda siilanyo oo mar uun raadinaysa khalkhal wadanka ka dhaca si muddo kordhin dheeraada xukuumadiisu u hesho waxa ay xubnaha xukkuumadda ku jiraa ku kaceen waxyaabo khalkhal galinkara amniga iyo degonaanshiyaha dalka, taasi oo ay ugu dambaysay hadaladii kasoo yeedhay wasiir cukuse iyo dagaalkii dhexmaray ciidamadda RRUda iyo wasiirkii hore ee amniga (intaasi inkabadan ayaa laga filayaa xubanaha golaha wasiiradda ee hadda joogana).

Dhanka kale, xukuumada oo ka faa’ideysanaysa khilaafka xisbiga kulmiye dhexdiisa ayaa ku kacaysay falal argagax galiyay shacbiweynaha reer somaliland kuwaasi oo ay ugu dambeeyeen qaraxyadii is daba jooga ahaa ee ka dhacaayay magaalo madaxda dalka ee hargeysa. (Falalkani ayaa kamid ah kuwii lagu yaqaanay xukuumadda uu siilaanyo hogaaminayaa markay mucaaradka ahayd) taasi oo lagu xasuusan karo bamboo shaaniday ku qarxin jireen goobaha ay ka mid ka yihiin : xarunta ecash ee dahabshiil, Nasiiba icecream, Golaha guurtida iyo meelo kale oo badan se hadda isu rogtay mid lagu ag qarxiyo madaxtooyadda ).

Sidaasi aawadeed bombo shaani iyada oo qarxinaysa ayaa xukuumadani inoo timid haddana tiiyo qarxineysa ayay inagu sagotinaysaa!!!!

Waxaa ugu danbaysay inuu daraad markuu dalka uu ku soo noqonayayna uu noqday madaxwryne siilaanyo madaxweynihii ugu horeeyay somaliland iyo caalamkaba ee sharci waddo maris oo ay wasiiradiisu soo saaraan jabiya, kadib markii ay kollanyaddii siday si qaldan usoo mareen haad aan ahayn haddka saxda ah ee gawaadhidu marto.
Gabogabo .

Waxaan maqaalkan kusoo gabogabynayaa hadalkii uu yidhi mudane gaboose markii xisbigiisu ku hadhay doorashadii golaha deegaanka ee ahaa “maanta waxaad doorateen dictator, waxaa la aasay dimuquraadiyadii, waxa la baabiiyey xaqii ay lahayd hooyadda cadceeda la fadhida xabada tamaandhada ah,askariga taagan dhaxantu ku dishay gaadka uu hayo , ardayga subuxihii kalahaayaa, saxafiga maalintii oodhan cadceeda wareegaya si uu bulshadiisa u haqabtiro, macalinka, dhakhtarka iyo qayb kasta oo bulshadda ka mida.

waxaan ka qoomameeyaa fartaan ugu codeeyay kulmiye oo manta inaan iska jaraa ii haboontahay markaan arkaayo sida loo dhacaayo ummadaydii iyo dalkaygii, markaan arkaayo sida loo kafmay ee loo aasay dimuquraadiyadii ee loogu daray xabaalaha ay dawladii maxamed siyaad barre ku aasi jirtay dadyawgay xasuuqayso waa malko durduree.

Sidaasi aawadeed xukuumadda hadda jirtaa hadday usoo laaban weydo sharciyadda iyo kala dambaynta dalka u yaala waxaanu usheegynaa in shacbiweynuhu kalsooniday u hayeen kala noqon doonaan xisbiga gabi-ahaantiisaba.

 

W/Q: Maxamed Cabdillaahi Biixi
biixiyare@hotmail.com

 

Comments are closed