Xukuumadda Sii Murgisay Xaaladda Boorama Iyo Xildhibaanadii Xabsiga Ku Jirey Oo Maamuus Ka Xayuubin Loo Diyaariyey
Borama:Dec,16,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sii murgisay Xallinta Arrinta ka taagan Gobolka Borama iyo Muranka ka dhashay Dhawaqa kasoo yeedhay Suldaan Wabar oo Buuraha la galay Kooxo Hubaysan.
Ergo loo igmaday xallinta arrinta sudlaanku wado, ayaa soo jeediyey inay haboon tahay in maamuuska xildhibaanimo laga xayuubo laba xildhibaan oo xabsiga Hargeysa ku jira, kana mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Borama, waxana arrintaas si dhaw ula socda Shacabka reer Borama oo dhawraya sida xukuumaddu arrintan ugu dhiirrato.
Guddidan soo jeedisay Maamuus ka-xayuubinta, ayaa daliil ka dhiganaya in Xildhibaanadani ku kaceen arrin ka dhan ah Qaranimada, sidaas darteedna ay khasab tahay in laga xayuubiyo maamuuska ay xambaarsan yihiin, iyadoo arrintaasna loo Gudbiyey Madaxweynaha iyo La Taliyayaashiisa oo arrintani jaahwareerisay.
Dhinaca kale, Xildhibaan ka mid ah kuwa la doon doonayey ayaa shalay lagu xidhay Borama, hase yeeshee sida ilo wareedyo Reer Borama ahi Xaqiijiyeen waxa loo celiyey Xorriyadiisii kadib markii buuq xoogani ka dhashay qabashadiisa, isla-markaana laga cabsaday inay mudaharaaddo cusubi bilaambaan.
Dhinaca kale, waxa xalay ku soo guryo noqday Borama Odayaal loo diray Suldaan Wabar kuwaas oo muddo laba maalmood ah la soo joogay, waxaana la filayaa inay maanta war siiyaan Madaxda Dhaqanka Gobolka Awdal.
Lama oga jawaabta ay kala soo guryo noqdeen Suldaan Wabar, hase yeeshee yeelmo iyo Diidmo kolba go’aanka ay ka keenaan waxa uu noqon doonaa mid caddeeya talaabada ay Xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto xaalada ka taagan gobolka.
Wararka hoose ee laga helayo haddii ay jawaabta laga sugayaa noqoto mid wali taagan go’aankiisii hore waxa la filayaa inay Xukuumadda Somaliland weerar ku qaado deegaanka uu ku dhuulaamaysanayo, iyadoo adeegsan doonta cudud ciidan, iyadoo Ciidamadii Hawshaas geli lahaa ay diyaar Ku yihiin Gobolka Awdal.
SDN/QJ