|

Xukuumadda oo Xoriyadiisii Dib ugu Soo Celisay Weriye Maxamed Baashe Xaaji Xasan & Dheg u Dhigid La’aantii Awaamiirtii Maxkamadaha

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Goor dhawayd Xoriyadiisa Dib u Helay Weriye Maxamed Baashe Xaashi Xasan oo dhawr Cisho Ku Xidhnaa Xarunta Denbi baadhista ee Magaaladda Hargaysa.

Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Racfaanka ayaa Maanta Soo Saaray Laba Qaraar oo Sheegaya in Eedaynta Maxamed Baashe X.Xasan ee dhinaca Xeer Ilaalintu aanay Waafaqsanayn Sharciga Dalka iyadoo la faray inay Xoriyadiisa dib ugu celiyaan.

Hasa Yeeshee Ciidanka Denbi baadhista ayaa ku Gacan saydhay amarka Maxkamadda Taasi Waxay Keliftay in Daneeyeyaasha Saxaafada Iyo Xuquuqul Iinsaanku Cod dheer ku Sheegeen Xadgudubka ay Laamaha amaanku Samaynayaan.

Ilaa maanta waxa ururka SOLJA, ururada bulshada rayidka ah iyo dad kale ay joogeen xarunta CID horteeda iyaga oo sugayay in la fuliyo amarka maxkamadaha dalka,Waxaana Dheg loo Dhigi Waayay Go’aamadii Maxkamaduhu ka Soo Saareen Xadhiga Maxamed Baashe X.Xasan.

Si Kastaba ha ahaatee Caawa ayaa Maxamed Baashe Xaaji Xasan Xoriyadiisii uu dib u helay.

Comments are closed