|

Xukuumadda Oo Wasiir Aan Saamayn Badan Lahayn u Wakiillatay Ka Fal-celinta Dhacdadii Wakiillada Ka Dhacday

Hargaysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaab celintii falkii shalay Labada masuul ee ugu sarraysa Golaha Wakiilladu isku faro saareen u wakiillatay wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Technology-yadda Cali Xaamud Jibriil oo ah xubin aan weedhiisu meel sare gaadhsiisnayn.

jijoWasiir Cali Xaamud, ayaa markale ku celiyey inay xukuumaddu xaq u leedahay  iibinta Haamaha Keydka Berbera, isagoo intaas ku daray in latashi la’aantii Guddoomiye Cirro ee labadiisa Ku-xigeen ay keentay khilaafkii rabashka isku beddelay.

Cali Xaamud Jibriil waxa uu ka hadlay Ciidanka Booliska ee Saaka la wareegay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland,kuna Tilmaamay qaar amaanka Sugaya,madaama oo Xildhibaanada iyo Shirguddoonkuba Aanay isku laab-xaadhnayn waxaana uu yidhi. “Hadaanu Nahay Xukuumadda waanu Tageersan Nahay in Xal lagu Soo dabaalo Xaalka Golaha Wakiilada Somaliland,waanan ka Xunahay wixii shalay Golaha ka dhacay iyo Gacantii la isku qaaday waana arin aan ku fiicnayn Dimuq-raadiyadeena Curdinka Ah,arinkaasina waa mid aad looga Xumaado,waa la isku iman Doonaa oo arinkaas dhacay sida ugu haboon ayaa lagu dhamayn Doonaa.”

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi Baadhista Golaha Wakiilada somaliland waxaana uu yidhi.”Qodobka 12-naad ee dastuurka ayaa Xukuumada u fasaxaya in Ay iibin Karto Ama kirayn Karto Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera,Lakiin kan la isku haystaa waa soo celinta Madaxwaynahu soo celiyo Go’aankii Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha oon labadiisa Guddoomiye wax talo ah kasiin,golahuna Soo celinta madaxwaynaha inuu Go’aan ka Gaadho ayay ahayd Khilaafkuna halkaas ayuun ka dhacay sifo sharci ahna waa la isku hayaa.”

waxa uu ka hadal Wasiirku in Ay Xukuumada ka Go’an tahay in ay dhex-dhexaadin ka gasho golaha iyo in Kale isaga oo cadeeyay in Ay diyaar u tahay in Ay ka hawl gasho waxaana uu yidhi.“Anagu wax kasta oo Wanaag Ah Xukuumadu Diyaar ayay u tahay in Ay ka hawl gasho Khilaaf kasta oo Yimaada,Golahani waa Gole dastuuri ah waajibaad qaran ayaana cid kasta ka saran,cid kasta oo dano gaar ah oo shaqsi wadatana Xukuumad ahaan diyaar ayaanu u nahay oo waanu ka soo horjeednaa.”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed