|

Xukuumadda oo sheegtay inay daneynayso in la ansixiyo Xeerka Baananka Ganacsiga oo Culimada Dalku ka digeen Qodobbo ku jira DAAWO

Hargaysa 28. January, 2016-(SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Golaha Wakiillada ku daba galeyso Xeerka Baananka Ganacsiga oo Culimada Dalku ka digeen in la ansixiyo, iyaga oo ku dooday inay ku jiraan qodobbo ka hor-imanaya Shareecada Islaamka.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inaan Xeerka Baananka Ganacsiga la joojinayn isla-markaana uu yahay Xeer Dalku u baahan yahay in la dhaqan-geliyo, hasa-yeeshee laga saari doono wixii Shareecada Khilaafaya.

Wasiirka oo u waramayey Telefiishanka HCTV Shalay, ayaa yidhi, “Xeerka Baananka Ganacsiga Dalka waa looga baahan yahay oo waa lagama maarmaan, laakiin, Shareecada Islaamka wixii ka soo horjeeda Xukuumaddeennu ma rabto.”

Wasiirka oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Dadka Maanta hadal haya eel eh Dawladdu Ribo ayay wadataa ayaa iyaga oo aan ogeyn Dalkan waxa Dastuurkiisa lagu saleeyay in wax alaale iyo wixii Shareecada Islaamka khilaafsan aynaan isku maamuleyn, markaa Xeerkani waa Xeer aynu innagu leenahay, wixii Shareecada ka soo horjeeda waynu ka soo saareynaa oo waynu hagaajisanaynaa, wixii Wanaagsanna waynu ku darsanaynaa, laakiin, Xeer laa joojinayo gabi ahaantiiba ma jiro, waayo? Baananka Caalamka Xidhiidh baynu la leenahay, Ganacsatadeenna ayaa u baahan, Adduunkana kama xidhnaan karno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Haddaanu Xukuumadda nahay Baarlamaanka waanu ku daba taagannahay wixii Shareecada iyo Dastuurka waafaqsan.”

Comments are closed