|

Xukuumadda Oo Sheegtay In Hannaankii Ay U Dhacday Doorashadii Madaxtooyadu, Wax Ka Beddelayso Aragtida Caalamka Ee Somaliland

Hargeysa 16. November 2017 (SDN/QJ ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shir, ayaa ka hadlay Nidaamkii ay u dhacday Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo Shacabku Isniintii toddobaadkan u dareereen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Qaabka Doorashadaasi u dhacday ka Tarjumayso In Shacabka Somaliland u bislaaday nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku dhaqanto, waxaanu baaq u diray Beesha Caalamka.

Wasiir Sacad oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan halkan uga Mahad-celinayaa Taageerayaasha Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan Dadkii Codkooda bixiyey, sidii wanaagsanayd ee ay u soo baxeen, Nidaamka u ilaaliyeen ee ay Codkooda u dhiibteen. Waxaan xusayaa Komishanka Doorashooyinka, Ciidammada Amniga, taageerayaasha Asxaabta, Madaxda Axsaabta, Maamullada Degmooyinka iyo Gobollada, sidii wanaagsanayd ee Mid walba uga soo baxay Xillkiisii. Waxa iyaguna xusid mudan Goob-joogeyaasha Caalamka oo tagey Lixda Gobolba, si ay Markhaati uga noqdaan Geeddi-socodka iyo Nidaamka Doorashada.”

Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuxuu ammaanay War-saxaafadeed Goob-joogeyaasha Caalamiga ah ee Doorashadu ka soo saareen sidii ay Doorashadu u dhacday, “Waxa farxad leh, War-saxaafadeed ay Xalay (Habeen hore) siidaayeen Goob-joogeyaashu ay ku caddeeyeen in Doorashadu ay inoogu dhacday Guud ahaan si Nabad ah oo Xor ah. Waxa Xusid iyo in loo Mahad-naq mudan Dawladihii innaga Gacan-siiyey Doorashadan iyo kuwii horeba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Qaabkii Doorashadu u dhacday wax ka beddelayso Aragtidii Caalamku ka haystay Somaliland “Doorashadani siday inoogu dhacday waxay wax badan ka beddelaysaa halkii Caalamku ka taagnaa arrinkeena (Qaddiyaddeena) iyo Xidhiidhkeena, waxay muujisay Bisaylka Dimuqraadiyadda Somaliland, waxay Markhaati ka tahay Qaranimadeena, sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa Caalamka, inay Tixgeliyaan Rabitaanka, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland..”

Comments are closed