|

Xukuumadda Oo Markii U Horeysay Sheegtay In Dawladda Itoobiya Qayb Ka Noqonayso Maamulka Dekedda Berbera Ee Somaliland

Washington 29. May 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixisay Saamiga Dawladda Itoobiya laga siiyey Maalgeshiga Dekedda Magaalada Berbera, taasi oo dhawaan lagu wareejiyey Shirkadda Carbeed ee DP WORLD.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Heshiiskii ay Somaliland iyo Shirkadda DP World kala saxeexdeen ee DP World kula wareegtay Maamulka Dekedda Berbera uu qayb ka ahaa Qodob dhigaya in labada dhinac mid walba Saamiga uu leeyahay uu Cid kale ka iibin karo, sidaas darteed Somaliland iyo DP World isku afgarteen inay Itoobiya ka iibiyaan Saami.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Lagu Wareystay Barnaamijka Qubanaha ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, isagoo Safar ku jooga Magaalada Washington ee Dalka Maraykanka.

Wasiir Sacad oo Sharraxaya Sida Itoobiya Saamiga uga heshay Maalgeshiga DP World ee Dekedda Berbera ayaa yidhi “Heshiiskii la ansixiyey waxa ku jiray Qodob odhanaya labada dhinac mid walba Saamiga uu leeyahay Cidda uu doono ayuu la qaybsan karaa, haddii Cidda kale ogolaato.”

Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Markii aanu eegnay Ujeeddada laga leeyahay Ballaadhinta Dekedda, oo Runtii Cidda loo ballaadhinayo ee inta ugu badan isticmaali doontaa tahay Waddanka Itoobiya, waxaanu isla garanay in Dani ugu jirto Dekedda dhaqdhaqaaqeeda iyo isticmaalkeeda in lagu marti-geliyo Dawladda Itoobiya lafteeda, markaa Dawladda Itoobiya waa Maalgeshade, annaguna waxaanu u baahanahay Maalgeshade, Itoobiyaan ha ahaado, Imaaraad ha ahaado ama Maraykan ha ahaadee, waxaanu doonaynaa in Cid Maalgeshata Dekedda, wax la isa siinayaana ma jiraan, Cid walba Saamigeeda ayay la baxaysaa, wixii Maalgeshi ah ee ku soo hagaagana way la imanaysaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo faahfaahinaya Cidda Maamulaysa Dekedda Berbera

“Dekedda waxa Maamulaysa Shirkad la wada leeyahay, Shirkaddaa waxa la yidhaahdaa DP WORLD BERBERA, waxaana Shirkaddaa wada leh DP World iyo Somaliland, waxaanuna gaadhnay isfaham ah inay Itoobiyana ka soo qayb-geli karto, markay ka soo qayb-gasho waxay Itoobiya qayb ka noqonaysaa Shirkadda la wada leeyahay, waxayna noqonaysaa Shirkad Saddex Geesood ah.”

Comments are closed