Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyey Inay Mushaharaadkii Ka Jartay Cuqaal Xisbiga Waddani Taageertay
Caynaba:Mar,21,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Xisbiga Waddani Maxamuud Ilbayare, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay mushaharkii ka jartay Caaqillo lagu eedeeyey inay Taageersan yihiin Xisbiga Wadani.
Guddoomiye Ilbayare waxa waxa uu si gaar ah u magacaabay Caaqil Cumar Xirsi Gaane oo uu tilmaamay inay xukuumaddu mushaharkii ka jartay markii la ogaaday inuu si dhaw ula shaqeeyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,
“Cuqaasha deegaankan waxa xukuma Gobolka, Caaqil Cumar Xasan Gaani waa nin weyn oo halgamaa ah, waxana lacagtii mushaharkii laga jaray sidee baad u taageertay Xisbiga Waddani,”ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Ilbayare.
Guddoomiyaha oo sababaynaya Go’aanka Caaqilkaasi utaageeray Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inay kaw ka tahay fadhiidnimada Xukuumadda Kulmiye oo aan Gobolkaas waxba ku kordhin muddadii ay xilka haysay, waxana uu yidhi,
“Caaqilku wuxuu arkay in sidii Xukuumadda Kulmiye dhalatay aanay Gobolkan Sandaqad kusoo kordhin oo aanay Xukuumaddani waxba ugu jilnayn Gobolkan.”
Deegaanada Bariga marka laga hadlayo meelaha Xisbiga Waddani ugu taageerada Badan yahay waxa kamid ah Gobolka Saraar, waxana Shacabka halkaas ku dhaqani xukuumaddan kala kulmaan Go’doomin gaar ah, iyagoo markii horena Taageeri jirey Xukuumadda galbatay ee Udub.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com