|

Xukuumadda Oo Ka Wer-wereegaysa Inay Taabato Waxa Gun-dhigga U Ah Sicir-bararka Sarrifka Dollarka Iyo Qiimo Beelka Shilinka Somaliland 

Hargaysa 17. January 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Guddi u saartay Sicir-bararka Qiimaha Dollarka iyo kor u kaca Maceeshadda, kuwaasi oo soo samaynaya kormeer ay ku soo ogaanayaan waxa Saldhigga u ah Sicir-bararka Qiimaha Dollarka.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Shalay Telefiishanka Star wax ka waydiiyey sababta ay wax uga qaban waayeen Sicir-bararka Maceeshadda oo halkii ugu sareysay gaadhay, ka dib markii Dollarka oo Ganacsatadu ku saleeyaan iibka Raashinku uu aad sare ugu kacay.

 

Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Annaga wasaarad ahaan ta na khuseysaa waxay tahay Marka Maceeshaddu kacdo, markaa waxaanu u dirnay Koox qaabilsanaa inay ka war-hayaan Maceeshadda iyo waxa isbeddelaya, markaa kormeerkii weli muu soo dhamaanin, waxaanuna doonaynaa inaanu ogaano waxa Gun-dhigga u ah ee kicinaya Sicir-bararka. Wasaaradda Maaliyadda, Baanka dhexe iyo Wasaaradda Ganacsiguba hawshaa way ku hawlan yihiin, dhawaana waxaad arki doontaan war-bixin laga soo saaro, waxaana naga go’an in si dhab ah wax looga qabto.”

Wallow uu Wasiirku sheegay inay direen Guddi soo baadha waxa Gun-dhigga u ah Sicir-bararka Maceeshadda iyo dollarka, haddana wuxuu sheegay in Xoolaha Sucuudigu joojiyey iyo Abaaraha Dalka ka jiraan saamayn ku leeyihiin kor u kaca qiimaha Sarrifka, “Waddanka Abaaro ayaa ka jira, Xoolihii ayaa la yara joojiyey, Runtii waxyaabahaas oo dhami saamayn bay ku leeyihiin, wixii kale ee Male-awaal ah ee saamayn ku leh xaq-baa innaga saaran inaynu qabano oo aynu ka joojino, markaa Toddobaadkan ayaanu War-bixin aanu ku lafa-gureyno waxa Saldhigga u ah Sarrifkan iska kacaya ee aan Macnaha-weyn ku dhisnayn ka soo saareynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Awalba marka Xoolaha la innaga joojiyo Sarrifku wuu kici jiray, laakiin imika waxaad mooddaa inay ku jirto in Saa’id ku ah (Sicir-bararka)…”

Dhanka kale, Ganacsatada ka shaqeysta isku beddelka Shilinka Somaliland iyo Lacagaha Qalaad, ayaa aamisan in kor u kaca qiimaha Sarrifka Lacagta Qalaad ee doollarka ee kor u sii kacaya ay sabab u tahay Suuqyada Dalka oo Lacagta caddaanka ah ee Doollarku ku yaraatay, ka dib markii Ganacsatada iyo Dadka kale ee Shacabkuba ay Telefoonnadooda ku qaateen iyada oo Lambarro ah.

Dadka reer Somaliland, ayaa badankoodu Suuqyada kaga adeegta Lacagta Doollarka ah oo loo beddelay Lambarro ay Telefoonnada ku sitaan, taasina waxay horseedday in Sarrifleyaasha Gacanta ku haya Lacagta Caddaanka ah ee doollarku ay hadba Qiimaha ay doonaan kaga iibiyaan Shacabka.

Lacagta Shilinka Somaliland ayaa Lafteeda lagu adeegsadaa Telefoonnada Gacanta (Mobile), laakiin waxa kaga awood badan Doollarka.

Comments are closed