Xukuumadda oo ka hadashay Shixnadii u horeysay ee Budhcad-baddeed ah oo la keenayo Somaliland
Hargeysa, 24, Mar 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay qaybtii ugu horreysay ee Maxaabiis Budhcad-badeed ah oo tiradoodu dhantahay 19 maxbuus oo laga soo qaadayo Xabsi ku yaala Jaziiradda badweynta Hindiya ku taala ee Seychelles, kuwaas oo xukun Maxkabadeed ku dhacay isla markaana muddo ku xidhnaa halkaas.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Maxamed Muuse Xaaji Galaydh ayaa sheegay inay maxaabiistaasi oo dhammaantood u dhashay koonfurta Soomaaliya ay iyagu dalbadeen in lagu xidho Somaliland, waxaanu yidhi, “Dadka Soomaaliyeed ee budhcad badeedda u xidhan oo caalamku in badan naga codsaday inaanu qaabillo,waanu aqbalay anagoo eegayna codsigii caalamka, codsigii iyaga (maxaabiista) ka yimidna eegayna. Ragga halkan (Somaliland) la keenayaa waa dad u dhashay Koonfurta Soomaaliya. Puntland way xasiloon tahay iyada maxaabiisteeda gooni ayaa loo geynayaa maxaabiista.”
Mr. Galaydh wuxuu intaasi ku daray “Laakiin dadkan la inoo keenayaa waa dad u dhashay koonfurta Soomaaliya oo soo codsaday ayaa la keeni karaa iyo kuwa kale ee Somaliland u gasha ee dambigaasi gala sida xeerka iyo heshiisku dhigaayo. Waxaanu u dirnay halkay ku xidhan yihiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda Cadaalladda si ay si cad ugu soo taabtaan codsigooda iyo dalabkooda.”
“Dadka Seychelles ku xidhan oo ah kooxdii u horeeyay waxay u ooyayeen in dhul dad ay afgaranayaan,meel ay ku tukadaan, meel dad ay afgaranayaan oo ehelkoodu ku soo booqdaan la geeyo. Iyagaa afkooda ka soo dalbaday in la geeyo Somaliland. Iyagoo ka eegaya dantooda, nolashooda ayaahooda dambe,”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee cadaalladda oo maanta u waramayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV. Agaasimaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Markaa anaguna waanu u diyaar-garaynay halkii ay ku xidhnaan lahaayeen oo qorshahoodii wuu naga dhammaaday. Waxaana taas nagu kalifay anagoo qadarinayna heshiiskii la dagaalanka budhcad badeedda ee aanu caalamka la galay iyo codsigaas ay codsadeen maxaabiistaasi Soomaaliyeed. Kooxdan u horeysa ee imanaysaa waa 19 xubnood. Markii aanu la hadalay ay lahaayeen ilmaadeerayaal meesha naga qaada.”
Agaasimaha guud wuxuu sheegay in tallaabadani ay ka dhalatay heshiis beesha caalamku la gashay xukuumadda Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Sidaad ogsoon tihiin xukuumadda Somaliland iyo dawladaha Ingiriiska iyo Seychelles heshiis ayay wada galeen. Xeerkii la sameeyay ee la dagaalanka budhcad badeedda iyo wareejinta maxaabiistu nidaam dheer ayuu soo maray labada Gole ee Wakiiladda iyo Guurtidda ayuu maray waana la ansixiyay.”
SDN, Hargeisa Somaliland