Xukuumadda Oo Isu Bahaysatay Dagaalka Ka Dhanka ah Muuse Biixi iyo Masuuliyiinta warfaafinta Oo Diiday Baahinta Wararka Kornaylada Kulmiye
Hargeysa:1-Nov-2013(SDN)-Golaha Xukuumadda Somaliland, ayaa Dagaal cad oo ka Dhan ah Hoggaanka Kulmiye ku qaaday Mujaahidiinta Majaraha u haya Xisbigaas, waxana ay si Toos ah Garabka u Saareen Wasiir Samaale oo muddo badan ku Taamayey Sidii uu Meesha uga saari lahaa Kooxdan iyo Awooddoodaba.
Dagaalkan lagu hayo Mujaahidiinta ayaa waxa Majaraha u haya wasaaradda war-faafinta oo Cunoqabatayn dhinaca Warka ah saartay Guddoomiye Muuse iyo Kooxda la bahda ah, waxana ay Taageero buuxda u muujiyeen Wasiir Samaale ee Kooxda ay isku Jaalka yihiin ee Dhawaan ka dhex toosay Guddida qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.
Masuuliyiinta Warfaafinta Gaar ahaan Kuwooda Guulwadaynta Ku Macaasha oo uu ugu horreeyo Maareeyaha TV-ga Khadar Cali Gaas, ayaa ka Xarrimay In wax war ah loo Sii Daayo Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye inta uu Socdo Khilaafkani, Waxana la iska Tuuray Warkii Habeen Hore ay Masuuliyiinta Xisbigu ku deedafeeyeen Doorashadii ka Dhex Dhacday Guddida qabanqaabada Xisbiga, iyadoo Amar lagu Bixiyey in kaliya Warbaahinta Dawladda Laga faafiyo Warkii ku saabsanaa Kooxda La safar wasiir Samaale.
Warfaafinta oo ah Hay’ad ay waajib ku tahay inay dhex u ahaato masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Kulmiye, ayaa middaas dhinac ka dhaafay, waxana masuuliyiinteedu amar kacaamaysan ku bixiyeen in kaliya Baahinta laga haqabtiro wararka ku saabsan kooxda la jaalka ah wasiir samaale oo ay isku fikir yihiin.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo isagu aan ehel u ahayn meelna ka soo gelin xisbiyahanimo Kulmiyeysan, ayaa maalmahan ku hawllanaa sidii uu Hilifaha ugu laabi lahaan rabitaanka Guddoomiye Muuse iyo kooxda la fikirka ahi ku doonayaan inay Bulshada kaga codsadaan xaq u lahaanshahooda dhinaca Hoggaaminta Dalka.
Tallaabadan ay masuuliyiinta sare ee wasaaradda warfaafintu ku Hor istaageen wararka hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa Loo arkaa mid ka mid ah Jallaafooyinka qotoda dhaadheer ee wasiir Samaale u Qoolay Kooxda Muuse Biixi, waxana ay u muuqdaan kuwo ay adagtahay in laga daba tagaa.
Arrintan ayaa sii Caddaysay oo shaaca ka qaadday sida qaawan ee Xukuumadda oo isku Duubani ay ula dhacsan yihiin Dildilaaca Xisbiga Kulmiye iyo Hagardaamooyinka uu Wasiir Samaale la dhexqaadayo Habsami-u-socodka Xisbiga.
Sidoo dhammaanba wasiirrada haatan xilka ka haya Xukuumadda ayaa iyagu si cad oo badheedh ah u badhitaaraya Kala Jabka xisbiga, waxana ay taageero buuxda la garab taagan yihiin Garabka uu haatan gacanta ku hayo Wasiir Samaale oo la Aaminsan yahay in Maaliyaddii umadda lagu unkay ujeeddaduna tahay in Meesha laga saaro Hankii Muuse Biixi ee ahaa inuu waddanka madaxweyne ka Noqdo mustaqbalka dhaw.
Wasiirka kaliya ee Haatan sida Buuxda ula Saftay Hoggaanka Sare ee xisbiga uu ka soo jeedo ee Kulmiye ayaa ah wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isaguna aan laga jeclayn madaxtooyada dhexdeeda, waxana uu Hiil cad la garab istaagay Guddoomiye Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, isagoo iska indho tiray Taageerada xukuumadda uu ka tirsan yahay iskugu bahaysatay Wasiir Samaale.
Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isaga xilkii uu Hayey ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Looga qaaday Khilaaf dhexmaray wasiir Xirsi, waxana uu iska Diiday Tallaabooyinka aan wanaagsanayn ee Kooxda Wasiir Xirsi hormoodka u yahay ay ku mijo Xaabinayaan Madaxbannaanida Xisbiga Kulmiye iyo Hoggaankiisa.
Lama Garanayo meesha ay ku Dambayn Doonto Hagardaamooyinkan xukuumaddu kagala soo horjeeddo rabitaanka Raggii sababta u ahaa inay waddanka Hoggaamiso, waxase Xaqiiqo ah inay arrimahani dhali doonaan Dhacdooyin aan la jeclaysan oo taariikh xumo ku reebi Doona Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee U Badan Soogelaytiga iyo Qurbejoogga aan xuquuqda ku lahayn Xisbiga Kulmiye.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com