Abaal Marin Siyaasadaysan oo Bulshadu Fahmi Weyday oo Hargaysa lagu qabtay Wasiir dhawr Cisho Magacawnaa oo Waxqabad lagu Majeertay DAAWO
Hargaysa 02.Nov 2015 (SDN/QJ ) –
Hotelka Maansoor Ee Magaalada Hargeysa Waxa Lagu qabtay munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo u jeedadu ahayd in ururka sodra abaal marin ku sunto xubno masuuliyiin tira badan oo loo aqoonsaday inay yihiin shaqsiyaad ka soo baxay shaqadii loo igmaday iyo horumarinta danta guud
Munaasibada waxa ka soo qayb galay Marwada Madaxweynaha Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud Wasiirka Arimaha Dibada Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Wasiirka Caafimaadka Afhayeenka madaxtooyada Agaasimayaal xildhibaano wasiiro ku xigeeno iyo marti sharaf kale
Munaasibadu intii ay socotay waxa hadalo ka jeediyey Wasiirka Caafimaadka Wasiirka Hawlaha Guud Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Wasiirka Arimaha Dibada Maayarka Laascaanood Marwada Madaxweynaha Iyo Masuuliyiin kale waxaanay dhamaantood xuseen in waxqabadka la sameeyey uu hormuud ka yahay madaxweyne siilaanyo oo isagu ah mishiinka ka danbeeya dhaqaajinta Iyo Dhisida Horumarka Danta Guud Ee Dalka
Xubnaha Safka Hore Kaga Jira Abaal Marintan Ayaa Waxay Kala Yihiin
1- Madaxweynaha Janhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Abaal Marintan Xafiiskiisa Lagu Gudoonsiin Doono
2-Marwada Koobaad Qaranka JSL Marwo Aamina Waris Sh Maxamuud Jirde
3- Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi Cabsi
4- Wasiirka Arimaha Debada JSL Dr Sacad Cali Shire
5- Wasiirka Caafimaadka JSL Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye)
6- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta JSL Cali Xasan Mareexaan
Dad badan ayaa waxay is waydiinayaan waxa looga jeedo abaal marintan la is raaciyey ee ay wadaagaan Masuuliyiintan aan karaamadoodu meel wada joogin ee la isku ladhay.
Waxaanu dadka indhaha Caafimaadka qaba ku eega wax qabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo is waydiinayaan sababta loo xusi waayay Wasiiradda ugu kartida iyo wax qabadka badnaa ee La soo shaqeeyey shantaa sano oo uu ugu horeeyo sida Wasiirkii hore Madaxtooyadda JSL Xirsi Cali X Xasan, Wasiirkii hore Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirkii hore ee Xanaanadda Xoolaha JSL Dr. Cabdi aw Daahir Cali oo aan haba yaraate aan la soo hadal qaadin.
Waxaa hubaal ah in abaalmarinta noocan oo kala ahi ay meesha ka saari doonta in Masuul wax qabtay uu helo abaal marinta uu mudan yahay in lagu abaal mariyo. Masuul kastaaba waa masuuliyad Saaran inuu si daacad ah u guto shaqada uu Qaranka u hayo.