Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay eedaymo ku xidhiidhiyay inay ku lug lahayd xukunkii ku dhacay masuuliyiinta musuqa loo xukumay
Hargeysa 09, June 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa iska fogaysay eedaymo la xidhiidha inay faro-galisay kiiskii masuuliyiinta musuqa loo xukumay oo muddooyinkii u dambeeyay la hadal-hayay, waxaanay Xukuumaddu sheegtay in aanay wax lug ah ku lahayn xukunkii ku dhacay masuuliyiintii musuqa loo haystay.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo soosaaray warsaxaafadeed jawaab u ah dhaliilaha xukuumadda loogu jeediyay inay xukunkaa ku lug lahayd, waxa uu sheegay in aanay weligii Madaxweyne Siilaanyo dhaqankiisa ahayn inuu farogeliyo kiisaska ka socda Maxkamadda dalka, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan: “Maalmahan danbe waxa saxaafadda Somaliland lagu saydhinayay warar aan sugnayn oo lagu eedaynayo Xukuumadda Somaliland in iyadu ka danbeysay go’aankii-maxkamadeed ee laga gaadhay mas’uuliyiintii ku eedaysnayd arrinta rashinkii mucaawanada ahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weligii dhaqan uma ay ahayn, maantana uma aha, in uu faro-geliyo arrimaha ka socda maxkamadaha Somaliland, oo ah dhardhaar ka madaxbannaan fulinta iyo sharci-dejintaba. Sida oo kale xukuumaddan maanta ee Somaliland caado uma aha in ay faro-geliso ama ay daaha dabadiisa ka maamusho arrimaha hor yaal garsoorka Somaliland.
Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo dhaxal-gal ah oo loo wada riyaaqay oo aan dhinac ka rarnayn ka qaateen arrimo siyaasadeed oo aad u murugsanaa. Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo ka qaateen murannadii ka dhex aloosmay Xisbiyada UCID iyo UDUB. Shacbiga Somaliland aad ayay ugu bogeen go’aammadaa caddaaladda iyo garsoorka suubban ku qotomay.
Caqliga fayoobi wuxuu ina tusayaa in Madaxweynaha iyo Xukuumadda faro-gelin waayay arrimahaa siyaasadeed aanay ku dhiirranayn ama dani ugu jirin in ay ku lug yeelato dacwad caadiya oo ka socota maxkamadaha.
Dhanka kale marka aad iska taagto, ma jirto sabab xukuumadda ku kallifta in ay faro-geliso dhacdooyin la xidhiidha raashin muucaawina ah oo dad mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsanaa lagu eedeeyay.
Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in aanay cidina Madaxweynaha ka codsanin saamaxaad, isla markaana aanu Madaxweynuhu cidna farin af iyo qoraal midna, in uu saamaxaad u fidiyay mas’uulintaa la xukumay.
Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland waxay mar walba ixtiraamayaan go’aammada ka soo baxa maxkamadaha garsoorka.
Xildhibaannada iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ee saxaafadda cabashooyinkooda u adeegsanaya, waxa ka habboon in ay u maraan jidadka sharciyeed ee ay fursadaha u haystaan, aanay dadka kale haysan.
“Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaanin.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com