|

Xukuumadda Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Dhallinyaro Faashash Ku Hubaysan Oo Habeenkii Dhac & Boob Ka Geysta Xaafadaha Hargeysa

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin adag ka soo saartay Dhallinyaro habeenkii koox-koox iyagoo u socda Waxyeeleeya Dadka Maatida ah, sida Dumarka isla-markaana ka qaata wixii hanti ah ee ay markaan sitaan.

Dhallinyarada oo Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay ka sameeya Falal budhcad-nimo, iyagoo Faashash iyo budhadh u adeegsada Dadka ay baadhanayaan, ayaa waxa wax laga waydiiyey Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaraadda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, waxaanu sheegay inay Dhallinyarada ka qaadayaan Tallaabo Adag oo lagu edbinayo, si ay uga waantoobaan Falalka ay ku kacaan ee dhibaatada ku  ah Bulshada.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ugu horreyn ka hadlaya Madax-dhaqameed toddobaadkii hore Magaalada Ceerigaabo ka sheegay in aanay la shaqayn doonin Xukuumadda uu soo dhisayo Madaxweynaha la doortay, ayaa yidhi “Ma Filayo inay jiraan Dad reer Somaliland ah oo doonaya inay Dalka dumiyaan, uma kala lexejeclo badnin oo Dalka waynu wada leenahay, waxaanse leeyahay wixii Hadal xun ah oo turxaan keenaya ha laga ilaaliyon Qaranka, waxa loo baahan yahay inaynu dhismaha Qarankan u midowno, sidaas ayaynu ku gaadhi karnaa waxa ay doonayno. Salaadiinta Gobolka Sanaag waxay ka mid yihiin Salaadiinta Qaranka, waxaan leeyahay aynu Dalka dejintiisa ka wada shaqayno, Xisbinimo uma janjeedhaan ee Hoggaan dhaqan baad tihiin ee dhaqannimada aynu ilaalino, wixii la tabanayo hoos ha la isku yidhaahdo, hadalladaa tag-taagan ee meelahaa laga leeyahay Dadku way ka naxayaan ee Ha laga daayo.”

Wasiiru-Dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye wuxuu ka hadlay Dhallinyarada Rabshadaha iyo baadhashada ka sameeya Xaafadaha Hargeysa qaarkood “Haddaad u fiirsato Dhallinyarada iyo Ciidammada Booliiska ee Nabadgalyadu way isla gadeedan yihiin, Xaafad walba Noocii Faashashka, Budhadhka, Dhagaxa iyo Moobil boobkaa soo noqday, tallaabo adag baanu qaadaynaa, waxaanu uga digaynaa waalidkooda, waxaanu leenahay Annaga iyo Dhallinyaradu sidaa ku wada socon mayno, Waayo? Sidan hadday ku sii wadaan Dalka way ku duminayaan, waalidka waxaanu faraynaa inay Ubadkooda ilaashadaan oo ay Gacmaha ku hayaan, oo aanay hadhow Masaajid buu ka soo baxay iyo Iskuulkuu ka maqnaa. Inanka habeen oo dhan Wareerinaya Ciidanka, Hablihiina Dariiqyada isku taagaya ee aanu qabanayo Cid nooga ergoon gartaa ma jirto, Waalidka waxaanu leenahay haddaad ubadkiina ogaan waydaan Hargeysa iyo meel dhow oo Raashin Carruurta loogu keenayaa ma jiri doonto, Yaryarkuna taa ha ogaadaan, Wallaahi waxaanu geynaynaa Gar-adag iyo Burco halkay ugu sokayso.”

Comments are closed