Xukuumadda Oo Cudurdaar Daciif ah Ku Xalaalaysatay Xadhigga Suldaan Sabayso
Hargeysa:Sep,19,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay sabab u samaysay xadhigga ay kula kacday Suldaan Mawliid sabayse oo kamid ah madax-dhaqameedka dalka, kaas oo dhawaan Guddoomiye-ku-geenka Wakiillada dusha ka saaray Khilaafkii Shirguddoonka ka dhex dhacay.
Wasiir kuxigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Md Cabdi Daahir Camuud oo arrintan ka Hadlay ayaa suldaanka la xidhay ku eedeeyey inuu Ku Hawllanaa Kicin Dadweyne, isla-markaana ay caddaymihii u hayaan sida uu hadalka u dhigay. “Ninkaasi suldaanka ah ee shalay(Habeen hore) la soo qabtay ee lagu magacaabo Mawliid, wuxuu baryahan ku jiray abaabul xooggan oo nabadgalyo darro ah, warkiisana waanu haynaa, hadalo xiqdi ah oo dadweynaha kicinaya ayaanu ku hadlay inta badan. Waxa loo haystaa kicin iyo abaabul nabadgalyo darro, iyo hadalo abuuraya nabadgalyo darro. Abaabulka waa marka qofku yidhaa dadka soo kaca oo dawladda waxaad doontaan baad ku samayn kartaan, suldaana wuxuu ka shaqeeyaa nabadda,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenku isagoo BBC-da la hadlaya.
Wasiir Cabdi Daahir Camuud oo la waydiiyay sida Weedhihii suldaaku ka yidhi Dekedda Berbera iyo Khilaafka shirguddoonku dad kicin u noqdee, ayaa sidatan ku jawaabay, “Adeer waxa weeye Haamaha shidaalka xukumad baa u xilsaaran. Xukumadda ayuu sharcigu siinayaa inay iibin karto, inay kiraysan karto, muwaadiniin reer Somaliland ah baa la siiyay, ninka ka soo horjeeda ee leh maxaa loo siiyay dee waa nin wax kale doon ah. Dimuqraaiyaddu maaha wixii dastuurku I siiyay haddaan ku dhaqmo oo adigoo shacabkaygii ah aad iska shoobarayso waa lagu qaban markaas,”
Booliska ayaa cawaysnimadii Jimcuhu soo galayay xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Sabayste oo xukumadda ku canaantay wareejinta haamaha Berbera, sidoo kalena khaladkii gacan-qaadka Cirro iyo Baashe dusha ka saaray xukumadda oo dabada ka riixaysa Baashe.
Sidoo kale waxaa muddo todobaad ku dhaw Hargeysa ku xidhan Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo xukumadda ku dhaliilay qorshaha y degaanka Banka qoolcaday kaga dhigayso seero xidhan, halka uu isagu la doonayo dhul daaqsimeed inay ahaato.
SDN/QJ