|

Xukuumadda oo burisay ballan-qaadkeedii Shaqaalaha Imtixaanka ka gudbi waaya

Hargeysa, 25, February 2012 (SDN)- Hay’ada Shaqaalaha Dawladda          Somaliland ayaa ku wargelisay shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee dawladda in ciddii ka gudbi wayda imtixaanka qiimaynta ah aanay u hayn ku talogal, isla markaana qofkii imtixaanka dhacaa uu iska tagayo.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha oo maanta la hadlayay 190 shaqaale ah oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawllada ayaa ku wargeliyay in ciddii imtixaankaas wayda aanay u hayn qorshe.

“Shaqaale dambe oo 2012-ka la shaqaalaynayaa ma jiro, 2011-kii waxaanu shaqaalaynay 3000 oo qof, mushaharkiina waa tii la kordhiyay, markaa awoodda intaa leeg dawladdu ma qaadi karto, siyaasaddii waxbaa laga bedelay ninka maanta imtixaanka waaya, waa nin ka baxaya khadka, cid kastaa waa inay ku dedaashaa inaad imtixaankaa ku guulaysato, ku talogal aanu u haynaa ma jirto.”

ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladdu Muxumed Aw-cabdi.

Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa hore u sheegay inaanay jiri doonin shaqaale dawladdeed oo la erayayaa, isla markaana ciddii imtixaanka qiimaynta ku guulaysan wayda loo furayo tabobar aqoontooda kor loogu qaadayo, ka dibna ay shaqadooda sii wadanayaan. Balse hadalkan Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha ayaa u muuqda mid ka duwan ballan-qaadkaas hore.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed