Xukuumadda Muuse Biixi oo Beesha Caalamka eedayn culus u jeedisay
Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa eedaymo culus waxay u jeedisay Beesha Caalmka oo wada dedaalo ay ku dhex dhexaadinayso xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, iyagoo weftiyo kala duwan usoo diray Somaliland.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub ayaa ku eedeeyay wadamada Beesha Caalamka in ay mucaaradka ku dhiiri galiyeen qas ay ka bilaabaan Somaliland, si ay u dhex dhexaadiyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Hadii dowlado ajinabi ahi waxay inala jecel yihiin ee xumaana cid kale la inoo soo kiraysto waa ayaan daro … anuu maalin dhawayd warbaan maqlay la leeyahay mucaaradka waxay ku yidhaahdeen gaalada qaar … meeshu waa iska nabade hadad doonaysaan in aanu idin kala qabano dab shida” ayuu yiri wasiir Sulub.
Eedayntan ayaa ah mid culus oo u baahan caddayn iyadoo Beesha Caalamka ay xuuumaddu ku sifaysay “qas-wadayaal” waxaana suurtagal ah in arintani ay dhaawacdo xidhiidhka xukuumadda Muuse Biixi iyo Beesha Caalamka.
Somaliland waxa lagu heshiin la’yahay wakhtiga la qabanayo Doorashada Ururada oo mucaaradka iyo xukuumaddu ay isku hayaan, arintaas oo khilaafkeedu cirka isku shareeray iyadoo mucaaradku ay qorshaynayaan dibad baxyo waawayn.