Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Raxan Wasiirro ah u Dirtay Boorama iyo Ujeeddada Laga Leeyahay Oo Ka Baxsan Rabitaanka Shacabka Reer Awdal
Borama:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa tiro kamid ah wasiirradeeda u dirtay Gobolka Awdal, iyadoo ujeeddaduna tahay sidii ay Halkaas uga aloosi lahaayeen Jawi ay odayaasha Gobolku ku shaacin lahaayeen inay Diiwaangelinta raalli ka yihiin.
Arrintan ayaa la sheegayaa inuu qorshaheeda iska lahaa wasiir Xirsi, waxana ay daba socotay Baaqyo xukuumaddu ka gubatay oo waxgaradka Reer Awdal kaga soo horjeesteen Diiwaangelinta xukuumaddu sida gaarka ah dabada uga riixayso.
Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa magaalada Boorama ku sugnaa dhowr wasiir oo Wasiirka madaxtooyadu soo faray inay ka dhawaajiyaan Odayaal taageersan diiwaan galinta hore Boorama looga qaadacay, waxana wasiirradaasi ku Hawllan yihiin sidii loo arki lahaa Odayaasha reer Borama oo taageero u muujinaya Diiwaangelinta Madaniga ah.
Xubnahan la soo diray ee fariinta culus loo soo dhiibay oo kala ah Wasiirka Beeraha, Wasiirka Boosaha, Wasiirka Xidhiidhka Labada Gole Iyo wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa la arkayay ilaa shalay iyagoo xiiqsan oo suuqyada dhexdeeda ku joojinaya cidii ay arkaan si ay uga fushadaan ujeedadooda.
Dhowr iskuday oo ay sameeyeen ayaanan u suurto gelin nimankan odayaasha ah, inkasta oo aan la ogayn inay fara madhnaan kusoo noqon doonaan iyo inkale, waxaase suurtogal ah inay helaan cid taageerta ujeeddada ay u socdaan oo kaliya ah inay baahiyaan sawirro muujinay reer Borama oo taageersan diiwaangelinta.
Xukuumadda ayaa ka warwarsan diidmada diiwaangelinta ee deegaano kamid ah Somaliland, waxana taasi keentay innay Abaabulaan ololeyaal lacago badan lagu bixinayo oo lagu taageerayo diiwaangelinta ay mucaaridku diideen, waxana Borama ay kamid tahay meelaha mucaaridka qaadacaadooda sida weyn loogaga guuxay.
SDN/QJ