Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Qaaday Talaabooyin ay Kaga aar-goosanayso Gudoomiye Cirro & Deegaanka uu Dhalasho ahaan ka soo Jeedo oo Ardaydii Wax ka baranaysay laga Horjoogsaday Deeqo Waxbarasho
Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda KUlMIYE oo muddooyinkii u damaysay guul-darooyin siyaasadeed oo kala duwan ku habsadeen,ayaa hadda ku dhaqaaqday talaabooyin gurac oo ay kaga aar-gudanayso guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,waxaanay hadda ku dhaqaaqday in ay si gaar ah u cadaadisu degmada uu dhalasho ahaan ka soo jeedo cirro ee Go’da weyn iyadoo dhammaanba cunaqabataymo dad-ban ku soo rogtay degmadaasi.
Wax-barshada
Xubno ka tirsan dowlada oo 4-tii bishii sagalaad ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo degmada Go’da weyn ka dhacday, taas oo loo sameeyey dufcadii koobaad ee ka baxday Dugsiga Sare ee Mujaahid Lixle oo ku yaala Degmadaasi,waxaanay masuuliyiinta ay xukuumadda u soo dirsatay xafladaasi halkaasi ka h sheegeen in ay dowladu qaar kamid ah ardaydii Dugsigaasi ka baxday ay deeqo jaamacadeed oo bilaasha siinayaan,isla markaana waxay ka qoreen ardaydii magacyadoo,iyagoo intaasi kadib-na lagu yidhi ardaydii Hargeysa kaalaya iyo xarunta wasaarada wax-barashada.balse nasiib xumo ardaydii markii ay muddo joogeen ee ay subax kastaba ku jarmadeen ayaa aakhrikii wuxuu wasiirka wax-barashada in ay Xukuumaddu isku noqotay kana tashada arinkaas iyadoo go’aana lagu gaadhay in deeqaasi aan la siinin ardaydaas.
Sidoo kalana macalimiinta ka halwgasha guud ahaanba degmooyinka gobolka saaxil ayaa musharkii loo kordhiyey iyadoo loogu daray macalinkiiba $50 doollar,balse nasiib darro macalimiinta ka hawlgasha degmada Go’da weyn oo ka tirsan gobolka saaxil ayaa iyadoo xukuumadda KULMIYE ka urinaysa guddoomiye cirro oo dhasho ahaan ka soo jeeda aan wax-ba loo kordhin iyaga.
Isku soo wada xoorriyoo xukuumadda KULMIYE ayaa cadaadis ku haysa gebi ahaanba degaanada kala duwan ee uu guddoomiye cirro ka soo jeedo sanaag ilaa ilaa Hargeysa.