|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii Kowaad Suxufi ku soo eedaysay dacwad ka dhan ah Barta uu ku leeyahay Shabakada Facebook

Hargeysa  20,June 2016 –(SDN/QJ):-Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa markii ugu horaysay dacwad noo ceedu ku sucub yahay Suxufiyeenta ka hawlgala gudaha Somaliland ku soo oogtay Wariye Cali Mahdi Jibriil Xassan oo ka tirsan Weriyeyaasha ka hawl-gala Telifeeshanka Bulsho ee gudaha Somaliland ee magaalada Hargeysa.

13432320_1053072124781450_1932502772532160603_nWariye Cali Mahdi oo warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xeer ilaalinta guud iyo C.I.D-du ku soo oogeen dacwad ka dhan ah barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee loo yaqaan Facebook-ga, islamarkaana wuxuu tilmaamay innaan si rasmiya loo shaacin cidda ka dhibane ah ee haysata isaga oo aanu garanayn cidda soo dacwaysay ee ee kiiskan ku soo oogaysa ee haysata ilaa hadda.”Aniga oo magacaygu yahay Wariye Cali Mahdo Jibriil oo ka tirsan Telifeeshanka Bulsho, ayaa maalin dhawayd waxa ii yeedhay ciidamda C.I.D-da, haddana dhowr jeer bay ii yeedheen. Waxay ii sheegeen in aan baahiyay xog ku saabsan dilkii Casayr oo warbaahintuna iga xigatay oo aan ku qoray barta aan ka is ticmaalo baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facbuugay. waxaan u sheegay in arintaas aanan waxba ka ogayn oo aan garaneyn, balse ay shaqadayda tahay in aan wax baahiyo, laakiin aaney jirin xog aan baahiyey oo warbaahintu iga xigatay. Haddii aad cadayn haysaana waxaan ku idhi itusa.

 

Runtii wax cadayn ah may haysan oo may ii sheegin, hadana waxay igu soo oogeen dacwad kiriminaal ah oo ah in aan xogta ku baahiyay Facebuuga oo iga yaabisay, waxaan u sheegay inaan anigu weriye facebuug ahayn, balse aan tv-ga Bulsho ka tirsanahay oo aan u shaqeeyo, arintaas dilkii taliyaha iyo waxaan war ku saabsan ka akhriyey Telifeeshanka iyo wixii war ah ee aan galiyey ee warkii Telifeeshanka bulsho ee habeenkaas YouTube ayaad ka helaysaan.”ayuu yidhi Wariye Cali Mahdi Jibriil.

Wariye Cali Mahdi wuxuu sheegay innuu la fajacsan yahay oo la yaab ku noqotay markii lagu soo oogay dacwad ka dhan ah kiriminaal oo ka baxsan shuruucda u taala warbaahinta Somaliland waxaanuu yidhi, ” Anigu garan maayo maxkamadan kiriminaal koortiga ah ee siddii aan wax dilay oo kale layga dacwaynayo. Ka, dib waxay iga codsadeen inaan siiyo Faceboogayga baasweydhkiisa (password security), runtii hadalkooda waan la yaabay oo waan ku qoslay. Waxaan u fahmay inay dano kale leeyihiin oo siyaasad iyo cid kale ka dambayso. Waxaan u sheegay inaanay taasi suurto gal ahayn sharciguna dhigaynin in aan bixiyo waxyaabaha aan gaarka u leeyahay waxay ila ekaayeen dad la soo abaabulay oo aan sharciga waxba garanayn.

Waayo dastuurka somaliland ayaa damaanad qaadaya lahaansha qofka ee gaar ahaaneed uu u leeyahay, sida iimeeladiisa iyo xogtiisa gaar ka ah. Markaana u diiday, haddana waxay iga codsadeen in aan u ogolaado inay tagaan xafiiskayga oo soo qaataan maskaxda ama Hidrive-ka conputerkayga shaqada ee aan ku xoogsado. Runtii waali kale ayey aheyd iyo waxyaabihii iga yaabiyey taasna waan u diiday oo waxaan ku idhi waraaq cadeyn ah ma u haysataan inaad badhaan kambutuutarkayga. Waxay iigu hanjabeen inay i xidhayaan oo caga juglayn badan ayaan kala kulmay. Ana waxaan ku idhi haddaad dacwad qabtaan maxkamadaas taga, sidii baana kaga imi. Runtii waxaan aamisanahay in dambigan laygu soo oogay ee kiriminaalka ah ay tahay mid dad gaar ah oo madaxtooyada masuuliyiinteedu daba ka riixayaan oo dano gaar ah ka leeyihiin. Mar jirta ilaa immika wax cad oo ay igu haystaan oo ay ii sheegeen, laakiin maalin walba yeedhis aan garaneyn cidda u dacwaynaysa iyo dadka I haysta ilaa hadda ma arrag.

Markaa cidda I haysata ma garanayo, wax laygu haystana ma fahmayo ee waa dano kale oo cid is qarinaysaa ay dabada ka riixayaan, markaa haddii ay cadaaladi jirin oo aanad garaneyn cidda ku haysata siday doonaan hayeelaan.”

Comments are closed