|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Maqaam hoose kaga Jawaabtay Duulaankii Jabuuti ee Xeebta Saylac DAAWO

Wasiir ku Xigeenka AmnigaaaHargaysa 15.March 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaq daciif ah kaga Jawaabtay Weerarkii Ciidamadda Bada ee Jabuuti Shalay ku soo qaadeen Markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Masar oo Ruqsad Jilaabaysiga Kalluunka ka haysta Somaliland Isla markaana ku dhex jiray Xayndaab biyoodka bada ee Somaliland kaas oo markii danbe ay ka dhalatay isku dhac Ciidan oo dhex Maray Labada Ciidan ee Ilaalada Xeebaha ee labada dal,Sababna u noqday Geerida Hal askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland.

Waxaa si Xoogan looga hadal hayaa Gudaha Somaliland Sababta Dawlada iyo Xisbiyadda Mucaaridkuba afka uga Xidheen Xadgudubka ay Dawlada Jabuuti ku soo Samaysay Gudaha Soohdin badeedka ay la wadaagaan dalka Jabuuti Waxaa baraha ay Bulshadu ku Wada Xidhiidho lagu falanqaynayaa In Talaabadan loo arko mid Somaliland ka dhigaysa inay hoos joogto Xukunka Madaxweyne Geelle isla markaana Madaxdeeda kala duwani u habranayaan Baasaboorka Jabuuti ee ay haystaan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu tacsi u diray Askariga ku dhintay dagaalkaasi, waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in dawlada Somaliland iyo dhigeeda Jabuuti ay ka wada hadli doonaan sababta keentay dagaalkaasi.

Comments are closed