Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Kulamo Xod-Xodosho ah la Bilowday Xildhibaano ka Tirsan Aqalka Wakiiladda Iyo Wefti Wasiiro ah oo ku sii Jeeda Dubai si loo dhamaystiro Heshiiska DPW
Hargaysa 21.June 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda ayaa bilawday dhaq dhaqaaqyo ay ku baadi goobayso inay Kalsooni uga hesho Goleyaasha baarlamaanka heshiiska hordhaca ah ee ay la soo gashay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-World ee Wareejinta Dekedda Berbera, waxaana durba bilaabmay kulamo hoose oo uu Wasiir waliba kalsooni uga raadinayo Xildhibaanada Kaga jira Baarlamaanka Gobolka ama deegaanka uu ka soo jeedo.
Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa toddobaadka kulan Afur ah la qaatay Xildhibaanada Gobolka Awdal kaga jira Golaha Wakiilada Somaliland,waxaana uu sida la sheegay Wasiirkani ka codsaday Xildhibaanadan inay taageeraan heshiiska DP-World ee Wareejinta Dekeda Berbera oo la rajaynayo inay Dhawaan Xukuumaddu u gudbiso Golaha Wakiiladda iyada oo wararka qaar sheegayaan in Maanta oo Salaasa ah ay xubno xukuumadda ka mid ahi safar ugu kicitimi doonaan dalka Imaaraadka si ay heshiiskii kama dambaysta ahaa u soo saxeexaan.
Ilo-wareedyo ka ag dhaw kulanka Afurka ah ee Wasiir Jibriil la qaatay xildhibaanada deegaanka Gobolka Awdal ayaa la sheegay in aanu kala kulmin sidii uu filayay kadib markii ay qaar ka mid ah xildhibaanadaasi ku wasiirka ku war galiyeen in ay marka heshiiska loo soo gudbiyo eegi doonaan hadba sida uu dalka iyo dadka muhiim ugu yahay dantoodana ay ku wajihi doonaan, waxaana la sheegay in Xildhibaanadaasi ay u sheegeen Wasiirka in heshiiskaasi marka uu soo gaadho ay eegi doonaa danta ugu jirta Qaranka, islamarkaana ay siidayn doonaan haddii ay u arkaan inuu Heshiiskaasi Qaranka dan u yahay. Isaga oo warkaasi intaasi ku daraya in xildhibaanadu aad uga gaws qabsadeen inay Ballan qaad dedgeg ah u sameeyaan Wasiirka ka hor intaanay Heshiiskaasi daalacan maadaama aanay wax qoraal ah oo sax ah ama faham ah ka haysan Heshiiskaasi marka laga reebo Buuq iyo qaylo dhaanta ay dad badan oo bulshada ka tirsani ka bixinayaan. Wasiirka xidhiidhka golayaasha ayaa la sheegay in uu saluugay go’aanka Xildhibaanadaasi u dhiibeen,waxaanu markiiba isku Dhaafiyay Dhinaca Madaxtooyada iyada oo warar xog ogaal ahi tibaaxeen in wasiirka Madaxtooyadu isna xildhibaanadaasi kaambayn heshiiska ah ku jiheeyey balse aan la ogayn waxa ay isla qaateen ugu dambayn.
Warkan oo Wargeyska Foore helay ayaa intaa ku daray in Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi uu Xildhibaanadaasi kulan kale la qaatay islamarkaana uu aad ugala hadlay heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera iyo Faa’iidada Qaranka ugu jirta.
Dhinaca kale warar xog ogaal ah oo xalay soo gaadhay wargeyska FOORE waxa ay xaqiijiyeen in wafti ka socda xukuumadda Somaliland la filayo in ay berri oo Salaasa ah u duulaan dalkaasi Imaaraadka si ay wajiga labaad ee wada hadalada heshiiska DPW ay ula soo yeeshaan masuuliyiinta Dubai lana filayo in ay soo saxeexaan heshiiskii hordhiciisa mabda’a ay qalinka ku soo duugeen.
Xubnaha la filayo inay berri UAE u dhoofaan waxa ka mid ah Wasiirrada Madaxtooyada, Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka, Arrimaha Dibadda iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Injineer Cali Xoorxoor.