|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Jawaab u Weyday Hal-xidhaalaha Fulin La’aanta Tirada Gacan-ku-dhiiglayaasha Oo Dalka Kusii Badanaya

Hargeysa:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Inkastoo Dilalka Dalka Gudihiisa ka dhacayaa sii badanayaan, Haddana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa arrintan jawaabta kaliya ee ay u haysaa noqotay inay Ku riddo xukunno dil ah balse wali lama hayo hal qof oo dilkaas lagu fuliyey.

cuunLaba maalmood ka hor ayey ahayd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidaa xukun dil ah ku ridday Gacan-ku-dhiiglihii qudha ka jaray Ganacsade Gacmo-dheere oo dilkiisa dalka si weyn looga dareemay, balse waxa arrintaas dulsaaran calaamatu su’aal tilmaamaysa inaan dilkaas lagu fulin doonin.

Go’aanka Maxkamadda sare ee ciidamada soo saartay , ayaa  dhaqan-galkiisu ku xidhanyahay, marka uu Madaxweyne Siilaanyo qalinka ku duugo   in toogasho lagu fuliyo labada Askari ee gacan ku-dhiigleyaasha loo aqoonsaday, kuwaasoo isla markii  uu xukunku ku dhacayba lumiyey xasaanadii Ciidanimo ee ay lahaayeen.

Sidaasoo ay tahay jaran-jarada sharci ee fulinta xukunka qisaastu,  Dadweynaha reer Somaliland, ayaa maalmahan si aad ah u hadal hayay waxa ay  dawladdu ka yeellayso dilalka sida ula kaska ah u dhaca ee ay Ciidamada amnigu ku kacaan, kana kala geysteen dhexdooda iyo shacbiga,  siiba kan ugu dambeeyay oo saameyntiisu ka miisaan cuslaatay Kiisas dhacay shantii bilood ee u dambeeyay, kana mid yihiin Sarkaalkii lagu dilay Magaalada Gabiley, toogashooyin kala dambeeyay oo ka dhacay  Ceerigaabo, Hargeysa iyo Burco isla sanadkii 2014-ka, iyo falkii lagu khaarajiyey labadii  Sarkaal u sareeyey Guutadii 17-aad ee Ciidanka Qaranka, kuwaasoo isku maalin lagu dilay Saldhiga Ciidanka ee degmada Qorulugud.

Marka laga hadlayo doodda ka taagan Dilkan u dambeeyay ee shacbiga dhexdiisa, waxa muuqanaysa baahida loo qabo in qaranku go’aan ka gaadho Arrinta dilka oo lagu fuliyo qisaas dadka u xidhan dambiyadaas ee xabsiyada ku jira.

Tirada Askarta Dil-sugeyaasha ah ee saddexdii sannadood ee u dambeeyay Maxkamaduhu xukumeen, ayaa gaadhaysa nus-dersin, hadaanay ka badnayn-ba. Waxaana la qiyaasayaa inay ka badan yihiin dadka shacbiga ee lagu xukumay falalka noocaas ah muddada aan xusnay.

Sidaas darteed ayaa sidoo kale loo arkaa inay xaalad abuurayso, hadii qof ama laba gacan ku-dhiigle oo qudha lagu fuliyo xukunka qisaasta, si taasi looga hortagana waxa khasab ah in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo qalinka ku wada duugo dhamaan kiisaska dil-sugeyaasha ah ee horyaalla, kuwaasoo xataa hadii aanay gaadhsiinin Hay’addaha ku shaqada lihi, ay tahay inuu isagu ka dalbado.

Hadii ay fulinta kiisaska  dilalku u dhacaan sida ay Diinta Islaamka iyo Shuruucda dalku u jidaysay, waxa meesha ka baxaysa xanta beryahan dambe laysla dhex marayay ee sheegaysa inay Hay’addo ajaanib ahi dawladda ka hortaaganyihiin inay gudato waajibkeeda qaanuuniga ah. Hay’addaasoo sida la sheego Xabsiyada ku masruufta Dadka u xidhan Xukunnada dilka ah, kagana gaashaaman in Badhka la taago.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa badhtamihii sanadkii 2014-ka wareegto uu soo saaray ku amray in la fuliyo Kiisaska dilka ah ee ka soo baxa  Hay’addaha Garsoorka, si loo yareeyo qudh-gooyada sii badanaysa ee rayidka dhexdiisa.  Soo jeedinta Wasiir Waran-cadde ayaan ilaa hada u ekayn arrin lagu camal-falay oo aan waxba ka bedelin dhibaatadii ka dhawaajisay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed