Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Cadaysay Cida ay Mawqiif ahaan la Jirto ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda DAAWO
Hargaysa 08. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah uga hadashay doorashadii gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada, waxana ay xukuumadu u tahniyadaysay gudoomiye baashe maxamed faarax.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta jsl md cismaan cabdilaahi saxardiid caddaani ahna afhayeenka xukuumada ayaa warfidiyeenada u sheegay inay xukuumada somaliland iyo shacabkeedu u arkaan diidmada uu xisbiga wadani ka soo celiyey natiijadii doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada mid uu ku waxyeelaynayo xasiloonida iyo deganaanshaha dalka.