|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Addis Ababa Wada-hadallo Qarsoodi ah Kula Yeelatay Saraakiil Maamulka Khaatumo Katirsan

Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ):Inkasta oo ay hore u fashilmee isku dayo xukuumaddu ku doonaysay inay wada hadallo midho dhal leh kula galaan Saraakiisha hoggaamisa kooxda khaatumo, ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya inaanay Wali ka daalin ka lib-keena amuurtaas, waxana Dhawaan  Kulamo qarsoodi ah Magaalada Addis Ababa Kula qaadatay   Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah Masuuliyiinta Kooxda Khaatumo State.

Dr.Cali-CiiseCabdiKulankaas Siyaasi Cali Cabdi Ciise oo garabka Cali Khalif Galaydh ah ay la yeesheen Masuuliyiin Somaliland ka tirsan, waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu ku sugnaa Siyaasigani sida la wariyay, isla markaana isku arkeen Masuuliyiin Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) hormuud u ahaa.

Inkasta oo war rasmi ahi ka soo bixin dhinacyaddan, haddana sidda la wariyay Safarkii uu dhawaan kaga soo laabtay dalka Ethiopia Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi Ismaacil Saylici oo ay wehelinayeen Warriirada Wasaaradaha arrimaha dibedda iyo Madaxtooyada Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la tilmaamay in ay kulan kooban kula yeesheen Cali Cabdi Ciise ka hor intaanu u ambabixin dalka Maraykanka sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegeen.

Kulankaas ayaa ila-wareedyada Wargeyska Saxafi soo xigtay sheegeen, inuu ahaa kulan is barasho, isla markaana aan la iskala sii gudbin is-barashada iyo farriimaha ay labada dhinac kala qadanayeen. Hase-yeeshee Warku waxa uu intaas ku daray in is-barashada ka dib labada dhinac isla qaateen isu soo noqoshada Siyaasi Cali Cabdi Ciise ka dib in la sii amba-qaado oo la sii wado kulammo kale oo ka xeel-dheer kaas ay Addis isku arkeen, inkasta oo aanay ila-wareedyadu xusin goobta kulammada la isla soo qaaday in lagu wadahadlo lagu qaban doono iyo halka ay noqonayso toona.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore ugu baaqday wadahadal ay la yeelan doonto Masuuliyiinta kooxda Khaatumo State la baxay iyo kooxaha ka soo horjeeda ee tabashooyinka ay qabaan gaadhsiiyeen heer ay Qarannimada iyo Jiritaanka Somaliland ka hor-yimaaddaan. Hase-yeeshee, kulankani waxa uu noqoneyaa kii u horreyey ee ay Xukuumaddu wadahadal kula gasho Siyaasiyiinta hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo.

 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed