Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Somaliland wacad baa u yaal- waa hadba waxay kala soo guryo noqoto Shirka London
Waxa shacbiga Reer Somaliland beryahanba dhex mirayneysay dood adag oo la xidhiidha ka qeybgalka shirka Somalia ee dhowaan London ka dhici doona iyo dhib amma dheef wuxuu Somaliland u leeyahay. Waxay haatan dooddaasu isugu biyo shubatay in xukuumadda loo ansixiyey codsigii ka qeybgalka shirkaas. Waxa weliba loogu daray in laga horqaaday caqabaddii sharci ee ku gudbaneyd.
Xukuumaddu waxanay ummadda ku qancisay in tegista shirkaas dano waaweyni innoogu jiraan, kuwaas oo qaarkood saxaafadda loo soo bandhigay, kuwo kalena malaha si gaar ah khusuusiga xubnaha labada Gole dhegta loogu qabatay, qadadii Maansoor dusheeda. Waxa iyana ansixinta go’aankan gacan ka geystay koox yar oo cod dheer oo samirkii aqoonsi raadintu ku dheeraaday doodooduna noqotay ‘Konteynar’ weligeen ku jiri mayno.
Ha yeeshee, xaqiiqadu waxay tahay aqlabiyadda dadkeenu weli shaki weyn ayey ka qabaan ulajeedada dhabta ah ee shirkan iyo natiijada ka soo bixi karta, in kasta oo la isku raacsan yahay in masuuliyadda arrinkan dusha loo saaro xukuumadda dalka oo weliba lagu wada taageero. Waxay in badani isku qanciyeen in ay xukuumaddu hayso xog dowladeed oo dheeraad ah oo dhaafsiisan war safiir-ku- xigeen sido.
Dabcan, Reer Somaliland waxay mar kale u dhaqmeen sidii lagu yiqiin-wada tashi, isu tanaasul iyo kala danbeyn. Waa arrin ka marag kacayaa biseylka siyaasadeed ee shacbiga Somaliland iyo aragtidooda mideysan, (Unity of Purpose). Taase macneheedu ma aha samir taagwaa, ee mar walba cidda dantooda wada way u ogyihiin oo ku garabtaagan yihiin.
Sidaa darteed, waxay haatan Xukuumadda Dalka dusha u saareen masuuliyad culus taas oo cawaaqiib fog ku yeelan doonta, hadba waxay dhasho, taariikhda ummadda Reer Somaliland. Hadaba, Xukuumaddu goolkii u horreyey ee tegista shirka way dhalisay waase hadafka ugu fudud. Dhibtu waxay ka joogtaa ajendaha shirka lala tegayo iyo sida Dunida halkaa isugu timid ee ajendahooda gaara wata siidii loo marsiin lahaa ansixinta himilooyinkeena.
Waxaynu wada rajeynaynaa in shirkan aynu kala kulano guul, taas oo hadday rumowdo, Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo iyo shakhsiyaddiisaba u noqon doonta fursad dahabi ah oy si buuxda ugu hanan doonaan kalsoonida ummadda. Isaga Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan, waxay u soo hoyn doontaa sharaf, wiilka wiilkii, ay bulshada Rer Somaliland u hayn doonto. Xisbiga Kulmiye qudhiisu 5 sano iyo 15 midna kama uu werweri doono, hadday sidaa u dhacdo.
Waxaynu ognahay tuhuno soo noqnoqonayey oo Xukuummada Kulmiye la kowsaday oo ku taxaluqa halka ay ka taagan tahay qaddiyadda Somaliland iyo Somaliweyn laga soo bilaabo qaddifaddii caseyd ee Ismaaciil Cumar Geelle u dhigay ilaa maanta. Waxay u egtahay in shirkan dabadii tuhunkaasu si kama danbeys ah dhan uun u dhici doono.
Ugu danbeyn, aniga oo mar walba ku kalsoon kartida iyo Wadaniyadda Mujaahid Madaxweyne Siilaanyo, hadana Alle kama dhigee hadduu arrinku sida gurracan u dhaco, oo waxaan loo fadhiyini ka soo baxaan shirkaas, waa in Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddisu si degeg ah istiqaaladoods miiska u soo dhigaan, waayo hadday sidaa yeeli waayeen, waxa u diyaar ah Maamuus ka xayuubin degdeg ah- Waa sida keliya ee Shacbiga reer Somaliland markaa uu ku soo ceshan karo karaamadiisa, Adduunweynahana ku tusi karo, in madaxbannaanidoodu aanay marnaba gorgortan geli karin.
Alla sida khayrku innoogu jiro ha innoo fududeeyo.
Abdi Hussein Diriye
Toronto