Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ma Xulbaa Mise Waa Xal? FAALO
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu khamiistii ku dhawaaqay golihiisii wasiirada ee inta badan ay bulshadu wada sugaysay, waxaanu soo bandhigay gole wasiiro ah oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira 23 wasiir iyo 9 wasiir-xigeen.
Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo bulshadu eegaysay, waxa ka muuqda wejiyo cusub oo badan oo la filayay iyo kuwo aan la filayn, waxaana ka maqan shakhsiyaad aad loo hadal hayay inay safka hore ka noqon doonaan golaha wasiirada ee Madaxweyne Biixi.
Marka si guud loo eego, golaha wasiirada ee Madaxweyne Biixi, waa kuwo aad uga kooban xukuumadii u dambaysay ee madaxweynihii uu talada kala wareegay mudane Siilaanyo oo iyadu ka koobnayd 70 xubnood oo isugu jiray wasiiro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir-xigeeno, waxaana muuqata inuu madaxweynaha cusubi meesha ka saaray wasiiru dawlayaashii gebi ahaanba iyo tiradii badnayd ee wasiir-xigeenada ahayd. Qodobkan tiro yaraanta xukuumadda ayaa ahaa mid ay bulshadu u soo jeedisay madaxweyne Biixi.
Waxa aad u yar wasiirada ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ee uu dib u magacaabay, waana mid ka mid ahaa aragtiyihii bulshadu qabtay, maadaama oo uu shacabku si isku mid ah uga niyad jabay xukuumadaas hore.
Sidaas oo ay tahay haddana, waxa ay bulshada intooda badani isku raacday inaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo dhisin xukuumadii laga sugayay ee miqiyaaskeeda la saadaalinayay uu ahaa ugu yaraan in ay la mid noqoto tii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo. Waxa ay bulshadu filaysay inuu soo dhiso xukuumad ay ka dhex muuqdaan dad aqoon ahaan, karti ahaan iyo khibrad ahaanba dalka ka saari kara xaaladda uu ku suganyahay oo la iska ogolyahay in ay aad u adag tahay.
Waxa kale oo uu rayulcaamku arkayaa inaanu Madaxweyne Biixi miisaan cadaaladeed ku qaybin wasaaradaha dalka. Beelaha Darafyada ayaa la filayey inuu Madaxweynuhu siiyo saami u qalma miisaankooda isla markaana daweeye tabashadooda soo noqnoqota ee qaybinta awoodaha dalka, waxase muuqata in hoos u dhac weyni ku yimi saamigii ay ku lahaayeen xukuumadii Siilaanyo, waxaana kaba wasiiro badan ardaa ka mid ah beesha dhexe.
Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu ku ololeeyay inuu kor u qaadi doono wax soo saarka dalka, wuxuuse talaabadii koowaad ee uu qaaday ku baabiiyay oo uu wasaarad kale hoos geeyay mid ka mid ah wasaaradihii qaabilsanaa kobcinta wax soo saarka iyo weliba dhoofinta khayraadka dalka. Wasaaradda kalluumaysiga ayaa ah wasaarad muhiim u ah wax soo saarka qaranka, laakiin madaxweynuhu wasaaradaas hoos ayaa uu u dhigay muhiimaddeeda, markii uu ka dhigay waax ka mid ah wasaarad kale oo iyada qudheedu muhiimaddeeda leh, taas o ah wasaaradda xanaanada xoolaha.
Waxa kale oo jira wasaarado ay ahayd inuu isku ururiyo oo uu ka soo qaado hal wasaarad, balse uu madaxweynuhu raacay jidka madaxweynihii ka horeeyay uu ku kala saaray wasaarado aanay muhiim ahayn in la kala saaro. Tusaale ahaan wasaaradda biyaha wuxuu madaxweyne Siilaanyo ka dheegay wasaaradda macdanta iyo tamarta, madaxweyne Muuse Biixina waxa uu qaatay habkaas madaxweyne Siilaanyo ee wasaaradii biyaha ka dhigay mid gaarkeeda u taagan.
Madaxweyne Biixi, waxa la filayay in wasiiradiisu noqdaan rag iyo dumar la jaanqaadi kara wadciga dalka yaala, kuna soo xusho aqoon, waayo aragnimo iyo karti, waxase la arkay in qaar ka mid ahi aanay lahayn waxbarasho aasaasi ah oo ugu yaraan muhiim u ah dhaqaajinta hawlaha qaranka.
Madaxweyne Biixi waxa laga sugayay inuu soo dhiso xukuumad laba midkood ah. Xul ama xal. Waxase muuqata oo rayul caamka laga dareemayaa inaanay labadaas midkoodna ahayn. Si kastaba ha ahaato ee waxaa qasab ah in madaxweyne Biixi wakhti la siiyo oo ugu yaraan lagu tijaabiyo sida uu uga shaqaysiiyo wasiirradiisa oo qaar waayo-aragnimadooda shaqo ama waxbarashadooda la qawadsan yahay, xilli ay hor yaallaan wax ka qabashada hawlo baaxad leh oo uu madaxweynaha laftiisa khudbaddiisii xil la wareegista ku sheegay in ay u baahan yihiin wax ka qabasho deg deg ah.
Xigasho: Wargayska Geeska Africa