Xukuumadda Kenya Oo Si Xoog ah Hawada Uga Saartay 4-TV Oo Dalkaas Laga Lahaa Iyo Sababaha Keenay
Nairobi:Feb,15,2015(SDN/QJ)-Dagaalka ka dhex oogan Tv-yada dalka Kenya iyo xukuumadda waddankaas, ayaa cirka isku shareeray kadib markii la sheegay in mulkiilayaasha TV-yadu ay diideen inay u hoggaansamaan amar dawladda kasoo baxay.
Amar kasoo baxay Wakaaladda Isgaadhsiinta dalka Kenya, ayaa Hawada lagaga saaray afar kamid ahaa Tevefiishanada ku yaalla Waddanka Kenya oo lagu eedeeyey amardiiddo.
Taleefishinada hawada laga saaray ayaa kala ah NTV, QTV, KTN iyo Citizen TV, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii mulkiilayaasha tv-yadan ay diideen in ay u hogaansamaan amar kale oo dowladda kasoo baxay oo ahaa in ay u wareegaan maxadad kale oo dhanka dayac gacmeedka ah, halkii markii hore ay ku tabin jireen qaabka warlaliska anteenooyinka la taago.
Guddoomiyaha ururka mulkiilayaasha warbaahinta Kenya Sam Shollei, ayaa wakaaladda dowladda Kenya ku eedeeyey in ay hareer martay amar hore maxkamadda sare uga soo saartay muranka u dhaxeeya dowladda iyo tv-yada, kaasi oo ahaa in ay hawada kusii jiraan inta isfaham laga gaadhayo arrinta.
Muranka ku saabsan halka ay taleefishanada u guurayaan ayaa ahaa mid muddo sanad ka badan soo jiitamayay, walina ay isku fahmi la’yihiin dowladda iyo mulkiilayaasha TV-yada madaxa banaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com