Akhri Magaca Naftii Hurihii Fuuliyey Weerarkii Jazira Oo Xukuumadda Jarmalku Caddaysay Inuu Dhalashada Dalkeeda Haystay
Hamburg:Jully,29,2015(SDN/QJ)-Tan iyo intii uu dhacay qaraxii dhawaan lagu qaaday Hutel Jazira ee Magaalada Muqdisho, waxa soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey dhalashada uu haystay qofkii weerarkaas geystay, balse haatan arrimahaasi waa ay caddaadeen, waxana uu qofkaasi noqday muwaadiin soomaaliyeed oo haysta dhalashada dalka Jarmalka.
Wakaalladda Wararka iyo Warbaahinadda kale ee dalka Jarmalka ayaa shaaciyey in ninkii geystay Qaraxaasi uu haystay dhalashada waddanka Jarmalka oo soomaalidu muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn u tegaysay.
Magaca shakhsiga weerarkaas fuliyey, ayaa warbaahinta Jarmalku ku sheegeen Cabdirisaaq Buux, kaas oo dalka Libya ku dhashay sanadkii 1985-kii.
Wakaalladda Wararka Jarmalka ee The German Press Agency ayaa sheegtay in Sarkaal Sare oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Somalia u xaqiijiyey in Muwaadin Somali haysta dhalashadda Jarmalka uu ka dambeeyey Falkii Is-qarxinta ee ay Xarakadda Alshabaab sheegteen inay ka dambeeyeen.
Wakaalladda ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin u sheegay in ninkii geystay Qaraxaasi ahaa nin haysta Labada Dhalasho ee Somalia iyo German.
Wargeyska ugu caansan dalka Jarmalka ee Spiegel ayaa isagana qoray in ninka geystay qaraxaasi uu ku noolaan jirey magaalladda Boon oo ka tirsan GobalkaNorth Rhine-Westphaliaee dalka Jarmalka, ka hor inta uusan ninkaasi u soo dhoofin Somalia.
Dhinaca kale, Weerarka Is-qarxinta ee ay Alshabaab dhawaan la beegsadeen Hotel Jeziira ayaa ahaa kii saddexaad oo ay ku weeraraan Hotelkaasi oo ku yaalla nawaaxiga Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Ugu yaraan 17-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, oo ay ku jireen Labo Saxafi, Hal Ajnabi oo u dhashay dalka Shiinaha iyo dadka kale oo u badnaa rayid.
SDN/QJ