Xukuumadda Iyo DP World: Heshiiska Dekedda Berbera Iyo Baaqa Gorfaynta Sharci Yaqaanka
Hargeysa, 17 May, 2016-(SDN/QJ): – Heshiiska ay Xukuumada Somaliland la saxeexatay shirka DP World 09/05/2016 ee ku saabsan Dekada Berbera, waxaa markiiba ka hadlay oo sharci-daro ku tilmaamay qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaridka.
Marka ugu horaysa in Xukuumadu heshiis Caalami ah gasho waa arrin Dastuuri ah, waxayna ka mid tahay awoodaha Madaxwaynaha ee ku qeexan Qod:90aad, faqrada 6aad oo si cad u sheegaysa in awoodaha M/waynaha ay ka mid tahay saxeexida heshiisyada Caalamiga ah, awoodaas Dastuuriga ah wuxuu u igman karaa masuul kasta oo xukuumadiisa ka tirsan sida ku qeexan Qod:18aad ee Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumada iyo hay’adaha madaxabanaan (Xeer Lr.71/2015.
Waxaa xaqiiq ah in aanu jirin Xeer Baarlamaanka Somaliland ansixiyay oo sheegaya hab-racaa Xukuumadu heshiis Caalami ah u geli karto, kaas oo haddii uu jiri lahaa la odhan lahaa Xukuumadu qaabkii sharcigu dejiyay umay raacin heshiiskan ay gashay marka ay taasi jirto, balse mar haddii aanu jirin Xeer noocaas oo xukuumadu ku dabran tahay, ma jiro qaab cayiman oo laga rabay Xukuumada in ay heshiisyada noocan u gasho, iyadoo aynu ognahay in bishii 2aad ee sanadkan M/waynuhu dhaqangeliyay Xeerkii Nidaamka Xukuumada (Xeer Lr.71/15), kaas oo lagu nidaaminayo shaqada hay’adaha Xukuumada iyo awoodahooda oo ay ahayd in lagu sheegayo heshiisyada Caalamiga ah ee Xukuumadu gelayso iyo hab-raaca looga baahan yahay in ay u marto, balse uu ka gaabiyay Xeerkaasi arrintaas muhiimka ah, taas oo ka mid ah qabyada badan iyo god-daloolada xeerkaasi leeyahay.
Waxaa kale oo xaqiiq ah in nuxurka heshiiska oo faahfaahsan iyo qodobbada uu ka kooban yahay weli gacanta dhinacyadii kala saxeexday uu ku jiro oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, faahfaahintaa oo marka la helo la falanqayn karo, haddii uu wax dhaliilo ah yeeshona wax looga sheegi karo si aqoon ku dhisan, maangal ah oo wadaninimo ku jirto.
Shirkada Imaaraadka Carabta ee Somaliland heshiiska la gashay ee DP World waa shirkad Caalami ah oo caan ah oo ay leedahay Shirkada Maalgelinta Dubai (Dubai Investment Company), waxayna heshiisyo kula jirta ama maalgelin ku samaysaa Dekedo badan oo Caalamka ah, in ay heshiis la gasho Jamhuuriyada Somaliland oo aan weli aqoonsi Caalami ah haysan, waxaa lagu tilmaami karaa in ay guul u Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan Xukuumada talada haysa, taas oo mudan in lagu ammaano xukuumada ee aanay ahayn in lagu dhaliilo.
War lagu daabacay wargeyska Gulf News maalintii arbacadii ee 11/05/2016, waxaa lagu sheegay in Somaliland iyo Shirkada DP World ay kala saxeexdeen qodobbo hordhac ah (Term-sheet) oo ah abuurida shirkad wadaag (Joint venture Company) oo maalgelinta iyo maamulka Dekada Berbera, hadalkaa oo wargeyska Gulf News sheegay in uu ka soo xigtay sarkaal sare oo aanu magacaabin oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkada DP World, wuxuu intaas ku sii daray in aanu ahayn heshiis wax dabraya (Non biding agreement), waxaase lagu dejiyay qodobbo aasaasiga oo ku saabsan maalgelinta Dekada, maalgelintaas oo ku xidhnaan doonta heerka hawl-fulin ee Dekada (Port performance), wuxuu wargeysku ku sheegay 442 Milyan US. Dollar. Heshiisyada noocan oo kale ah waa heshiiyo Caalami ah oo masuuliyad Caalami ahi uga dhalanayso Jamhuuriyada Somaliland inkasta oo aan Qaran madaxbanaan loo aqoonsanayn, haddana heshiisyada noocan ah way adag tahay in laga baxaa ama la buriyaa, iyadoo uu yahay heshiis mudo dheer oo masiirka ilmaha maanta dhalaya iyo sutaqbalkiisa saamayn ku yeelanaya, heshiisyada noocaas ahna waa la isku khiyaamayn karaa, haddii aan taxadir badan laga yeelan, aqoonyahano farsamo iyo garyaqaano khibrad leh oo ugu yaraan inta badan muwaadiniin yihiin aanay diyaarinta iyo qaabaynta heshiiska uga qaybgelin Somaliland, kuwaas oo qodob kasta oo heshiiska ka mid ah la rabo in ay ka eegaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin saamaynta dhaqaale, siyaasadeed ama bulsho ee uu yeelan karo, sida loo fulin karo, caqabadaha ka hor iman kara, sida uu Dastuurka iyo shuruucda Somaliland ula falgelayo, sida uu heshiiskii ka horeeyay Somaliland iyo Itoobiya ku kala saxeexdeen 29/03/2016 ee ku saabsanaa isticmaalka Dekeda Berbera ula shaqaynayo, xuquuqda shaqaalaha Dekada sida uu u ilaalinayo, sida uu muwaadiniin kale shaqooyin ugu abuurayo, sida uu macaamiisha isticmaala xuquuqdooda u dhawrayo iwm.
Dhinaca kale, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire heshiiskani marka uu dhamaystirmo waxaa loo gudbinayaa Golaha Wakiilada oo ay waajibaadkiisa ka mid tahay in uu ansixiyo heshiisyadaa lagu sheegay Qod:53 (3) ee Dastuurka Somaliland, waxaana ku haboon mudanayaasha Golaha wakiilada in aanay sii qadimin oo ka sii hordhicin waajibaadkooda Dastuuriga ee ay la sugaan doodooda oo waxdhis iyo wadaninimo ku salaysan marka heshiiska oo dhamaystiran la hor keeno.
Mudadii 25 sano ahayd ee Somaliland jirtay waa markii ugu horaysay ee maalgelin dibadeed oo xadigaa leh rajadeedu soo muuqato, waana guul wayn oo Qarankan u soo hoyatay haddii si wax ku yool ah oo caqli iyo aqoon ku dhisan loo hirgeliyo loogana wada faa’iidaysto, waa guul ay amaanteeda iyo tixgelinteedaba ay mudan tahay Xukuumada talada haysaa, waana in loo arkaa arrin Qaran oo lawada leeyahay ee aanay xukuumada iyo cid kale toona gaar u lahayn. Mucaaridkuna waa in aanay noqon kuwo horumarka dalka hortaagan oo aan ogolayn in talaabo hore loo qaado, balse waa in ay ku sifoobaan kuwo wax dhisaya, wax toosinaya, danta Qaranka si maalgal ah u ilaalinaya, wixii wanaagsan ee la qabtona la garaabaya, wixii khaldana si cilmiyaysan oo caadifad ka fog, xog dhab ah iyo xaqiiq ku dhisan u dhaliilaya.
Haddaba, madaama Heshiiska DP World iyo Somaliland ay wada galeen uu marayo marxalad bilaw ah, waa degdeg iyo caadifad in wax laga sheegayaa ama la dhaliilaa, sidoo kale waa in aan lagu mashquulin taageerida iyo mucaaridida heshiiskan hordhaca ah, balse waxaa haboon in Xukuumada la isku garabtaago, lagu talo siiyo, lagu toosiyo oo lagula shaqeeyo sidii heshiiskani ugu dhamaystirmi lahaa una hirgeli lahaa sida ugu wanaagsan ee maslaxada ummadu ku jirto.
Masuulka shirkada DP World wuxuu u sheegay Gulf News in maalgelinta lagu samaynayo Dekeda Berbera ay ku xidhnaan doonto heerka kartida hawl-fulineed ee Dekada Berbera (Port performance), marka arrintan la qiimaynayo waxaa laga eegaya dhinacyo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin, nidaamka sharci ee hay’ada Dekadu ku dhisan tahay, nidaamka sharci ee ay ku shaqayso, nidaamka xisaabaadka, nidaamka maamul, qaabka loola xisaabtamo, tirada iyo tayada qalabka, kartida iyo aqoonta shaqaalaha iwm; waxaase ugu horaynaya marka hay’ad ama maamul la qiimaynayo nidaamka sharci, kaas oo haddii ay ka liidato ay qiimayntaas ku fashilmayso ee aan wax kaleba loo sii gudbayn. Sanadkii 2015 waxaa dalka yimi dhawr garyaqaan oo ka socday shirkad sharci oo Caalami ah, waxay sahamin iyo deraasad ku samaynayeen kartida hawl-fulineed ee Dekada Berbera, waxaa ka mid ahaa dadkii ay la kulmeen garyaqaan Shirkada sharci ee wadaniga ah ee Watershed ka tirsan, su’aalihii ay waydiiyeen waxaa ka mid ahaa: Dekada Berbera ma jiraa sharci baarlamaan oo ay ku dhisan tahay?. Gole hogaamin (Board) ma leedahay?.
Xeerar ay ku shaqaysaa ma jiraan?. Cid la xisaabtantaa ma jirtaa?. Nidaam xisaabeed u gaar ma jiraa?. Iyo su’aalo kale oo dhamaan jawaabtoodu noqonaysay MAYA. Ka dib labadii garyaqaan midkood ayaa su’aalay oo yidhi: ”Hadda maxaa loo yidhi waa hay’ad ama maamul dekadeed (Port Authority)?. Markaa waxaa runtu tahay in maalgelinta dekeda lagu samaynayo caqab wayni oo ku saabsan kartideeda hawl-fulineed (Port performance) ay ka hor iman karto, haddii aan hadda la aqoonsan qabyadaa oo sida ugu dhaqsaha badan nidaamkii sharci loogu dhamaystirin, iiyadoo wax kasta oo kale cudur macquul ah loo heli karo, balse aan sharci la’aan wax cudurdaar ah oo la garawsan karo loo heli karayn. Qabyadaa dhinaca nidaamkeeda sharci la xidhiidhaa waxay keeni kartaa sadex arrimood midkood ay shirkada DP World yeesho, tan hore in ay u arkaan in aan maalgelin nus malyuun Dollar ku dhow la gelin karin meel aan nidaam sharci lahayn, tan labaad in ay soo jeediyaan in ay inoo sameeyaan oo sida ay rabaan sharci ugu sameeyaan Dekeda heshiiska ka hor, tan sadexaad in ay shardi innagaga dhigaan in aan shuruucdii loo baahnaa u samayno Dekeda, taasina ay dib u dhac wayn ku keeni karto dhamaystirka heshiiska.
Shirkada DP World haddii aanay uga jeedin saxeexa qodobbadan hordhaca in ay Dekada Berbera u doonanaanto oo aan cid kale heshiis lagula gelin ee ay ka go’an tahay in ay qodobbadan hordhaca ah ee la kala saxeexday ay u rogto heshiis wax dabraya oo faahfaahsan oo waqti uu ku fulayo iyo qorshaha loo fulinayo xambaarsan, waxaa la saadaalin karaa in ay haddaba gudashay diyaarintii nuqulkii heshiiska ee faahfaahsanaa, deraasadihii ka horeeyay iyo qorshihii lagu fulin lahaa, iyadoo diyaargarawgaa mid la mid ah looga baahan yahay Xukuumada Somaliland, oo ay ku jirayaan, magacaabistii iyo hawlgelinta guddiyadii farsamo ee ka sii shaqayn lahaa diyaarinta qaabka heshiiska dhabta ahi ee faahfaahsan ee dhinaca kale loo bandhigi lahaa, diyaarinta nooca, baaxada, tayada, qiimaha dekada ay Somaliland rabto in la dhiso, nooca tayayn ee Dekada hore u baahan tahay iyo qiimaha ku bixi kara, shaqaalaha wadaniga ah ee la heli karo iyo khubarada shisheeye ee loo baahan karo, qalabka iyo alaabka dalka laga heli karo iyo kuwo loo baahan in la soo dejiyo, diyaarinta dhulka loo baahan yahay in dekeda lagu balaadhiyo iyo baaxada loo baahan yahay in kayd u ahaado si mustaqbalka loogu sii fidiyo ama N/gelyo ahaan ay tahay in aan loo soo dhaafin, xuquuqdii hore shaqaalaha hadda Dekada ka shaqeeya, mustaqbalkooda iyo xuquuqdooda shaqo ee heshiiska ka dib, iswaafajinta heshiiska Shirkada DP iyo heshiiskii ka horeeyay ee Dawlada Itoobiya, dib u eegista iyo wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Shisheeye oo ah mid aad u tayo liita iyo dhamaan arrimaha kale ee looga baahan mawduucan.
Haddii aan Xukuumada Somaliland dhamaan arrimahan sii diyaarsan, waxaa hubaal ah in heshiiska la wada geli karaa uu noqonayo mid dhinac keliya hagayo oo aan loo sinayn, dhinac keliyana dantiisa ilaaliya, wax gorgortan ah oo Somaliland uga furana uu yaraan doono, cawaaqibkiisana aynu ka calaacali doono, Alleh kama dhigee.
Waxaan u soo jeedinayaa Xisbiyada mucaaridka in mucaaradoodu ay ku dhisnaato xog dhab, deraasad cilmiyaysan, waqtigeedana ay la sugaan, wixii wanaagsan ee ay qabto Xukuumaduna ku taageeraan, ku toosiyaan, kuna talo siiyaan, sidoo kale waxaan saxaafada u soo jeedinayaa in ay si dhexdhexaadnimo ah oo xog dhab ku dhisan wax uga qoraan arrintan, kana feejignaadaan weedhaha bulshada lagu marinhabaabinayo ee saxaafada qaarkeed qorayso oo ay ka mid yihiin ”Wareejin” ”Kirayn”, ”Iibin” ”dhaxal wareegin” iwm. Xubnaha Golaha Wakiilada iyagana waxaan u soo jeedinayaa in ay sugaan waajibkooda Dastuuriga ah ku qeexan Qod:53 (3) ee Dastuurka ee ay ku leeyihiin heshiisyada noocan oo kale ah ee aanay hadda u soo kala qaybsamin xubno diidan iyo kuwo difaacaya oo aan midkoodna xog hayn, iyadoo qabyo badan oo sharci oo mawduucan ku xeeran ay badan yihiin oo ay qabyotirkooda door wayn ku leeyihiin.
Ugu danbayn, ”waxaan Xukuumada u soo jeedinayaa in aanay mashquulin waqtina ku lumin difaaca heshiiskan yar ee hordhaca ah ee ay u diyaargarawdo kana hawlgasho, sida ugu dhaqsaha badana u bilawdo hawsha balaadhan ee aan kor ku sheegay ee ay ugu horayso, dhamaystirka nidaamka sharci ee Dekada Berbera iyo u diyaargarawga heshiiska rasmiga ah ee maalgelinta Dekada Berbera.
Garyaqaan Max’ed Saciid Xirsi