|

Xukuumadda Itoobiya oo Magacowday dowlado ay ku eedeynayso inay Hurinayaan Kacdoonada Rabshadaha Wata ee Itoobiya ka Socda & 6 Bilood oo Xukun Deg Deg ah oo Itoobiya Saaran

Addis Ababa 11.October 2016 (SDN/QJ):- Dowlada Itoobiya ayaa ku eedeysay dowladaha Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadihii ka dhacayey waddankaas dhowaanahan.

 

ethiopia-unrestWasiirka warfaafinta Itoobiya Getachew Reda, ayaa sheegay in dowladahan ay hubaynayaan, tababarayaan, lacagna siinayaan kooxaha mucaaradka.

Ilo diplomaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in dowladda Itoobiya ay u yeertay danjiraha Masar u fadhiya Addis ababa Abu Bakar Xafni, loona gudbiyey qoraal cabasho ah oo ku saabsan inay Masar kaalin ku lahayd xiisadihii dhawaan ka dhacay Gobalka Oromiya.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Berhani Karastor ayaa u yeeray Safiirka una gudbiyey cabashaddaasi, in kastoo Danjiruhu beeniyey eedeymahan, isagoo dowlada ka dalbaday iney cadeymo rasmi ah u keento eedeyntan.

 

Labada Dowladood ayaa waxaa ka dhexeeya dagaal qabow iyo muran la xiriira qeybsiga biyaha Webiga Niil, inkastoo dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan ay bishii hore yeesheen Kulan ay kaga wada hadleen saami-qeybsiga Biyaha webigan oo ah kan ugu dheer qaarada Afrika iyo dunida intaba.

 

images-protest_in_ethiopia_4_639x400_483504276Kooxaha xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay in boqolaal qof ay ku dhinteen mudaaharaadyo socday bilo oo looga soo horjeeday dowladda Itoobiya.

 

Eritreya oo ah dowlada labaad ee Itoobiya ku eedeyneyso rabshadaha ka taagan dalkeeda ayaan ka hadlin eedeyntan, hase ahaatee Eritreya oo ka go’day Itoobiya 25 sano ka hor ayaa colaad ba’an oo lagu riiqmay la gashay Itoobiya ka dib markii ay ku murmeen dhul ku yaalla xadka labada dal oo buuraley u badan.

Qowmiyada Oromo iyo Amhara oo samaynaya mudaaharaadka ayaa ka cabanaya in laga faquuqay dhinacyada siyaadada iyo dhaqaalaha, maamulka Tigrey ee dalka xukumana uu awooda isku koobay.

Dowlada Itoobiya ayaa doraad ku dhawaaqday xukun deg deg ah iney dalkaas ku soo rogtay rabshadaha sii xoogeysanaya awgeed, waxayna dowladu ku macneysay xukunkan deg deg ah mid dalka looga badbaadinayo kooxo ay ku tilmaantay qaswadayaal.

Comments are closed