Xukuumadda Federaalka Somalia oo Somaliland Qaadhaan Lacageed ugu Deeqday Iyo Gudidii loo soo Igmaday oo Hargaysa soo gaadhay DAAWO
Muqdisho 04.April 2016 (SDN/QJ):- Dowladda Somalia ayaa deeq lacageed oo gaaraysa hal malyuun oo dollar u dirtay Somaliland si wax looga qabto abaaraha ka jira gobollo ka tirsan Somaliland.
RW kuxigeenka dowladda Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in deeqdani ay tahay mid hor dhac ah.
Geesta kale Wafdigii siday deeqda lacageed ee loogu talagaya dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan Somaliland ayaa ka degay magaalada Hargeysa, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.