Xukuumadda Federaalka Somalia oo Daboolka Ka Qaaday Inay Gacanta Ku soo Dhigtay Madaxii Amniyaadka ee Kooxda Al Shabaab DAAWO
Muqdisho 21. June 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).
Bayaan kasoo baxay wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayuu ku sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana uu dhacay maanta.
“Waxaanu qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Ducaale ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay socday oo lagu xasilinayo amniga caasimadda.