Xukuumadda Federaalka Itoobiya oo Gollaha Dhaqanka ee Oromada u balanqaaday inay Mag-dhaw ka siinayso dadkii ay ka Dishay
Addis Ababa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Xeer ilaalinta Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemaraim, ayaa kulan xasaasi ah la qaatay xubno ka socda gollaha dhaqanka ee Oromada oo loo yaqaano Abba Gadas.
Shirkan ayaa lagaga xaajooday rabshadahii dhawaan ka dhacay gobolka Oromada iyo guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalku marayo.
Kaaliyaha gaarka ee ra’isulwasaaraha, Ewnetu Bilata, ayaa colka wararka la wadaagay murtidii ka soo baxday kulanka labada dhan. Kaaliyaha ayaa tibaaxay in xukuumadu sidiisa u qaadatay codsi ay xubnaha Abba Gadas soo jeediyeen oo ah in mag laga bixiyo khasaarihii soo gaadhay Oromada – naf iyo maalba.
Kaliyaha ayaa cadeeyey in magdhowga laga bixinayo wax ugu yeedhay dadka ‘aan dambiga lahayn’. Gollaha Oromada ayaa xukuumada ku dhaliilay in aan kaalinkoodi la siinin si xal loogu helo rabshadihii iyo mudahaaradyadii ka dhacay Oromiya. Hailemaraim ayaa dhankiisa ka qirtay in xukuumadiisu il-duuftay in ay kaashato Abba Gadas si loo maareeyo mudaharaadyadii iyo cabashooyinkii dadweynaha.
Waxaa uu intaa ku daray, in dawladu la shaqeyneyso gollaha dhaqanka Oromada si loo sugo amaanka. Waxaa xusid mudan, in rabshado iyo dibadabaxyada ay ku le’edeen dad kor u dhaafay 100, halka boqolaal kale ku dhawacmeen ama xabsiga la dhigay.
Madaxa Abba Gadas ayaa dhankiisa ka sheegay in xukuumadu ogolaatay bixinta mag-dhawga iyada oo la marayo xeerka iyo dhaqanka Oromada. Waxa uu inta ku daray, in ay ku qancinayaan ardayda in ay dib ugu noqdaan xarumaha waxbarshada.
Ururada u ololeeya Oromiya ayaa xusay in ciidmada buux-dhaafiyey gobolka ay xaalada sii murgiyeen iyada oo weli ay jiraan iska horimaadyo aan saas u weynayn iyo guux shacab.
Gollaha dhaqanka Oromada ayaa xukuumada xusuusiyey in amaanka Oromiya iyo guud ahaan dalku uu go’aan u noqon karo hayaanka horumarineed ee dalku hiigsanayo.
Dhinaca kale, Baarlamaanka Itoobiya ayaa wada xeer qabyo ah oo booliska federaalka ah iyo gudiga maamusha xabsiyada federaalka ah lagaga madaxbanaaneynayo wasaarada garsoorka dalka oo ay hadda hoos tagaan.
Sharciga qabyada ah ayaa xusaya in gudii gaar ah loo magacaabi doono maamulida booliska wadanka, laakiin inta la dhisayo gudigaa waxaa uu boolisku toos u hoos imanaya ra’isulwasaaraha wadanka. Booliska iyo garsoorka dalka ayaa soo jiitay eedeymo iyo dhaleecayn badan oo ku aadan sida ay ula dhaqmaan dadweynaha iyada oo mararka qaarkood looga shakiyey musuqmaasuq iyo maamul-xumo.
Xabsiyada federaalka, ayaa sida lagu qeexay xeerka qabyada ah , hoostagaya xeer-ilaaliayaha guud ee dalka. Gollaha cusub ee maamuli doona booliska ayaan weli awoodiisa iyo waajibadkiisa aan wax faahfaahin ah laga bixin. Xukuumada EPRDF ayaa wada qorshayaal aan saas loo dareemin oo wax lagaga badalayo sida loo maamulo wadanka kadib markii ay qiratay gafaf badan oo dhankeeda ah.
Ururka ayaa sheegay in ay jiraan khaladyo ku lug leh musuqa iyo maamul-xumo baahsan.
Talaabooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli wadanku wajahay qulqulatooyin ka dhacay ismaamulo dhawr ah iyo abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta muddo 50 sano ah.