|

Xukuumadda Britain Oo Sheegtay Inay Sii Wadi Doonto Wada-shaqaynteeda Somaliland iyo Somalia

London:Jully,27,2015(SDN/QJ)-War qoraal ah oo uu soo saaray Xafiiska horumarinta u qaabilsan barwaaqo sooranka Dalka Britain, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Ingiriisku sii wadi doonto taageerada ay siiso dawladaha Somalia iyo Somaliland.

oxorHadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes uu dhamaystay booqasho hawleed oo uu ku tegay magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Grant Shappes la kulmay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Somalia iyo Somaliland, si loo xoojiyo xidhiidhka ay la leeyihiin Dowladda Britain.

Mas’uulkaasi waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud, Ra’isul-wasaare Sharmaarke iyo xubno ka tirsan Dowladda Somalia, wuxuuna ku booriyey muhiimadda ay leedahay in ay si deggan u dhacdo Doorashadda lagu madalsan yahay sannadka soo socda ee 2016-ka.

Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes waxa kaloo uu kulankiisa diiradda ku saaray doorka adag ee Dowladda Somalia ee Horumarinta Ciiddanka Ammaanka ee Qaranka, wuxuuna soo dhaweeyey dhismaha Maamul-gobaledyadda .

Mas’uulkaasi waxa kalo ouu ku baaqay in la sii wado Dib-u-heshiisinta si loo xaqiijiyo in Wakiilladda si xaq ah looga soo dhex doorto dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes waxa uu tilmaamay inay Somalia ka mid tahay xuddunta Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Britain, si taageero looga geysto Xaalladda adage e Samafalka, baahida Horumarinta, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu booqday magaaladda Hargeysa, oo uu kula kulmay madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan Maamulka Somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed