Xukuumadda Britain Oo Shaacisay Inaanay Taageeraynin Haddii Kenya Ciidamadeeda Kala Baxdo Gudaha Somalia
London:May,03,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Britain, ayaa ku dhawaaqday inaanay taageeri doonin tallaabo kasta oo Kenya ciidankeeda jooga Gudaha Somalia ay kula baxayso.
Hadalkan ayaa waxaa sheegay Ergayga Britain ee Kenya Christian Turner, xilli uu la hadlaayay TV-ga KTN ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in kasoo saaritaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya aysan xal u aheyn dhibaatooyinka iyo weerarada ay ka geysanayaan Shabaabka gudaha Kenya.
Christian Turner, waxa uu muujiyay in Shabaabka aan looga guuleysan karin hab Milateri, balse loo baahan yahay in la isticmaalo xeelado kale oo lagu wiiqayo awoodooda.
Wuxuu soo hadal qaaday ciidamada Kenya oo uu sheegay in gudahooda ay ka dhex-jiraan musuq baahsan, taasina ay tahay waxa ciidamada dilaaya oo keenaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ee Kenya gudaheeda ka dhaca.
Ergayga Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Kenya ayaa ku waramaayo in Kenya laga rabo inay xooga saarto arimaha Sirdoonka, sidoo kalena la xaliyo mshaakilaadka ka taagan dhanka musuqa ciidamada dhexdooda.
Ciidamada KDF ee Kenya ayaa ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, tan iyo markii ay howlgalkaasi ku biireen Kenya waxa ay wajahaysay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacaayay gudaha dalkeeda.
Al Shabaab ayaa horay u sheegay joojinta weerarada ay ka geysanayaan Kenya inay ku xiran tahay in ciidamada Kenya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.
SDN/QJ
Somalidiasporanews.com