|

Xukuumadda Ankara oo Sirdoonka Siiriya ku eedaysay qaraxyo 46 qof galaaftay oo shalay ka dhacay gudaha Turkiga iyo jawaabta Dimishiq ka bixisay

REYHANLI, May, 12 2013 (SDN/WSJ)- Dawladda Turkiga ayaa Axadda maanta sheegay in Sirdoonka dalka Siiriya ay ka dambeeyeen qaraxyo lala baabuur loo adeegsaday, kaasoo Sabtidii shalay 46 qof ku dilay magaalo ku taala xuduudka ay wadaagaan.

Sida uu ku waramay wargeyska Wall Street Journal ee dalka Maraykanku, tani waxay astaan u tahay dhimashadii ugu dambaysay, uguna badnayd ee la ku xidhiidhsan in dagaalka sokeeye ee Siiriya uu ku fidayo dhulka Turkiga.

Siday xukuumadda Ankara sheegtay Axadda maanta, waxa xabsiga la dhigay 9 muwaadiniin Turkish ah oo lala xidhiidhiyay inay ku xidhan yihiin Sirodoonka Siiriya, sababtoo ah xidhiidhka ay ku leeyihiin qaraxyadaas.

Sida laga soo xigtay masuuliyiinta Turkiga, xukuumadda Ankara waxay weerarkaa ay Siiriya ku eedaysay ay ka qaadi doontaa talaabo adag.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Siiriya Omran al-Zoubi oo Axaddii maanta warbaahinta kula hadlay, waxa uu diiday eedaymaha ay Turkigu u jeediyeen dawladdiisa. “Ma jirto cid xaq u leh inay samayso eedaymo been ah,” ayuu yidhi Wasiirka oo shirjaraa’id ku qabtay caasimadda Dimishiq.

Qaraxyada shalay oo dhacay wax ka yar 15 gudahood, waxay ka dhaceen qaybo ka mida magaalo yar oo ku dhow xuduudka Turkiga iyo Siiriya, taasoo ka dambaysay maalmo uun ka dib markii Raysul-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in Turkey uu taageerayo qorshaha Maraykanku xoojinayo ee la xidhiidha in Siiriya laga hirgeliyo aagga duulimaadka ka caaggan, ka hor inta aanu hoggaamiyaha Turkigu booqan Washington oo uu 16-ka bishan May kula kulmi doono Madaxweyne Barack Obama.

Qurbejoog.com, Ankara

Comments are closed