|

Xukuumadda Ankara Oo Dawlada Somaliland Ka Codsatay In La Xidho Dugsiga Nile Academy Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay

Hargaysa 24. December 2016 (SDN/QJ):- Dawlad Turkiga ayaa xukuumadda Somaliland ka codsatay inay xidho dugsiga waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgaliyo siyaasiga lagu eedeeyey inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay Mr Fathullah Gulen.

Wafti uu hogaaminayo Danjire Olgan Bekar oo ah safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho oo uu wahelinayay gudoomiyaha gudida arrimaha dibada ee baarlamaanka Turkiga Xildhibaan Dr C.Kani Torun oo isna hore u ahaa safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa si rasmi ah xukuumadda Somaliland uga codsaday inay xidho dugsigaas,iyaga oo balan qaaday inay buuxinayaan kaalinta waxbarasho ee uu dugsigaasi Nile Academy baneeyo.

Ilo xog ogaal ah ayaa Geeska Africa u sheegay in xukuumadda Somaliland Diplomaasiyiintan Turkiga ah ugu jawaabtay inay ka war sugaan muddo Laba Todobaad ah ,iyada oona la kala garan Karin in xukuumaddu xidhi doonto dugsigaas mudada ay u qabatay dawlada Turkiga iyo inay mar kale ka gaws adaygi doonto.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u cadaysay inaanay xidhayn dugsigan maadaama oo aanay wax danbi ah ka galin dalka Somaliland,laakiin waxa muuqata in dawlada Turkigu doonayso inay Somaliland saarto cadaadis diplomaasiyadeed si loo xidho dugsigan.

Comments are closed