|

XUKUUMADANI INDHO ADAKAA!

MAAMUL WALBOO DUNIDA KA JIRAA WAXUU ISKA DHOWRAA WAXII SUMAD KU NOQONAYA EE TAARIIKH XUN U REEBAYA. HADABA MARKA AAD EEGTO XUKUMADAN MADAXWEYNE SIILAANYO HOGAAMINAAYO, AYAA WAXAA DHACAY DHOWR ARIMOOD OO AAD U FOOL XUN OO HAB MAAMULKA XUKUMADAN NABAR KU AH. ARIMAHA DHACAY WAXAA KA KOOW AH WEERARKII WARGEYSKA HUBAAL OO DHAMAAN AAD UGA DHARAGSANAHAY SIDII UU UDHACAY.


WAXAA ARINTAA KA DABA TIMI SIDII SHARCIGU KA YEELAY ARINTAA OO DAMBILIHII WAX WEERARAY GACANTA LOO GASHAY CIIDAMADA AMAANKA, IYADOO MAALINIMADII DAMBE LA CADEEYAY INUU DAMBILUHU AHAA CIIDAMADA AMAANKA EE POLICE KA LOONA TAXAABAY JEELKA WAYN EE HARGEYSA HALKAASU KU JIRAY MUDO TODOBADA BILOOD AH, OO IYADOON KIISKII DHANA LOO QAADIN HADANA LASII DAAYAY.

ARIMAHAN DHOWRKA AHI WAXAY KU TUSINAYAAN MIISAANKA AAY LEEDAHAY XUKUUMADAN OO AAY KOOW KA TAHAY IN HABA YARAATEE AAN SHARCIGABA AANAY RAACIN.


MIDA LABAADNA TAHAY IN SIDA IYAGU JECELYIHIIN U FUSHADAAN SHARCIGA. HADABA DOWLADAHA DUNIDU WAXAY ISKA DHOWRAAN WAX YAABAHA SOO JIIDANAYA DAREENKA DUNIDA EE SUMCADA KA XUMAYNAYA, HALKA XUKUMADANI AAY IYADU INDHA ADAYG LASOO GIIRANTAHAY OO QALAD KEEDII HORE MIDKALE UGA DABA KEENTAY.

MAANTA DUNIDU SI AAD AH AYAA INOO EEGAYSAA OO WAXYAABAHAN DHACAYII WAXAY WIIQAYAAN QARANIMDA SOMALILAND TAASO UU KOW KA YAHAY SHARCIGU, OO MARKA DUNIDU MAANTA WAXYAABAHAN DHACAYA AAY ARKAAN WAX BADANI HAKAD INAGA GALI DOONAAN OO HANAANKA SOMALILAAND HOOS U DHIGI DOONA.

XUQUUQDA MUWADINIINTA OO LA ILAALIN WAAYA WAA WAX YAABAHA KEENA IN DAWLADAHA DUNIDU XIDHIIDH KOODA KU GOOYAAN, WAAYO WAA WAX YAABAHA ASAASIGA U AH “DEMOCRACY”. SAXAAFADUNA WAA HAL BAWLAHA LAGU MIISAAMO HORUMARKA DAWLADAHA, LAKIIN AAD MOODO IN XUKUMADAN MAANTA TALADA HAYSII IN AANAY SINABA DHOWRAYN JIRITAANKA SOMALILAND.

HADABA XUKUMADAN WAXAAN KAGA YAABAY INDHO ADKIDEEDA, IYADOON MARNABA AAN TIXGALIN SIINAYN MUWADINIIN TEEDII OO IYADOO ARAGTA IN AAY FASHILANTAHAY OO FARTU KU GODANTAHAY HADANA QALAD QALAD KU SII SAXAYSA.

WAXAAN LEEYAHAY UMADAN DADKEEDII BAA GABAY OO AAY KOW KA YIHIIN GOOLAHA BARLAMAANKA IYADA OO GUURTIDUNA AANAY KA MAQNAYN QUDHEEDU.

GOOLAHA SHARCI DAJINTA WAXAAN LEEYAHAY UMADII IDIN KARAAMAYSAY EE MANSABKA MAANTA AAD HAYSAAN IDIIN IDMATAY WAAD GABTEEN OO WATAA MAANTA HARGEYSA SHIRQOOLKU KUSII BADANAAYO OO CIDAMADII AMAANKA LA ISU ADEEGSANAAYO, SHURUUCDII IYO DASTUURKII DALKA U YAALAYNA AAN LAGUBA DHAQMAYN OO IDINKAA DAYACAY, MARXALADAHA JIRANA HALKAN MAANTA AY TAAGANYIHIIN GAADHSIYEE, HURDADA KA KACOO MISAANKII DALKU LAHAA BAL DHEELI TIRA.

ADEN DEEQ

Comments are closed