Xukuumada Wakhtigu Ka Dhamaaday ee Xasan Sheekh oo Meel Marisay Miisaaniyada Sannadkan 2017 Isla Markaana lagu Daray Kharashka Aqalka Sare
Muqdisho 15. February 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga doodayeen Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015.
Kulanka waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado in hawlaha dawladda ay joogsadaan maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku egtahay bisha March.
Miisaaniyadda ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ahaa kharashka Aqalka sare. Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaanyidda Qaranka oo la horgayn doono Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyaay xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2015, sidoo kalena Golahu wuxu ansixiyay Xisaab-Xirka iyaga oo u gudbiyay Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda u saaray in ay xaliyaan cabashada ka timid qaar kamid ah shaqaale ka shaqeeyn jiray Dekadda Muqdisho oo maanta baanaanbax sameeyay.