|

Xukuumada Talyaaniga oo Dalkeeda ka Saaraysa Safiirkii Kuuriyada Waqooyi u Fadhiyey Roma & Sababaha ay Go’aankan u qaateen

Roma 02. October 2017 (SDN/QJ):- Dalka talyaaniga ayaa Safiirka kuuriyada waqooyi ku war geliyey inuu isaga baxo dalka, tallaabadan oo ka dhalatay Tijaabooyinka dhinaca Gantaalaha ee  kuuriyada waqooyi samaysay.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Talyaaniga Anjiliino Al-faaro ayaa sheegay in dalkiisu go’aansaday in safiirka kuuriyada waqooyi uu ka baxo dalka.

Sida la ogyahay dalka Talyaanigu waxa uu si adag u canbaareeyey tijaabooyinkii ugu danbeeyey ee Gantaalaha Kuriyada waqooyi samaysay, iyada oo tijaabadii ugu danbaysay ee ay samaysaan ay ahayd Saddexdii Bishan aynyu ka soo Gudubnay ee Saptembar.

Golaha amaanka Qaramada midoobay ayaa isna Cuna qabatayn Cusub waxa uu ku soo rogey Dalka Kuuriyada waqooyi, Cuna qabatayntaasi oo si weyn saamayn ugu yeelanaysa waxa ay la soo degto iyo waxa ay dibadda u dhoofisaba.

Comments are closed