|

Xukuumada Suuriya oo ogolaatay xabad joojin iyo reer galbeedkaoon dheg jalaq u siin

Dimishiq April03,2012(SDN)-Xukuumada dalka Suuriya ee mucaaridka dalkaas dagaalka kula jirtay mudada sanadka ka badan ayaa maanta shaacisay in ay ogolaatay xabad joojin.

Goaankan xukuumada Suuriya ayaa laga horjeediyay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha gollaha amaanka ee QM ooka arinsanayay xaalada Suuriya.

Ergeyga QM iyo Jaamacada Carabta ee dalka Suuriya Koffi Anan ayaa gollaha amaanka u xaqiijiyay goaanka xukuumada Suuriya.

Dawlada Suuriya ayaa ogolaaay xabad joojin ay xigi doonto dib uga sooo saarid ciidamada ee magaalooyinka dagaaladu saameeyeen.

Dawladaha Reer Galbeedka ayaa shaki weyn ku soo dhaweeyay goaankan u danbeeyay ee xukuumada Suuriya.

Xoghayaha QM Ban Ki Moon ayaase sheegay in uu aqbalay goaanka xukuumada Bashar Al Asad.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed